Wafdi ka socda dowladda Turkiga oo maanta soo gaaray Muqdisho

Wednesday March 06, 2024 - 16:03:16
0 Comments
39
ahmed raajaa
MUQDISHO
Waxaa maanta Magaalada Muqdisho soo gaaray Saraakiil kala duwan oo ka socda dowladda turkiga, waxaana lagu soo dhaweeyay xarunta Wasaaradda Difaaca Soomaaliya ee Taliska Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Wasiirka Gaashaandhiga DFS Cabduqaadir Maxamed Nuur iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed S/gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa wafdigan kulan kula qaatay xarunta Taliska Ciidanka XDS.

Saraakiisha ka socday Dalka Turkiga ayaa isugu jiray Talisyada Ciidamada badda,dhulka iyo mas’uuliyiin ka socota Wasaarada difaaca dalka Turkiga.

Ujeeddada safarkooda ee Soomaaliya ayaa la sheegay inuu qayb ka yahay dhismaha iyo qalabaynta Ciidamada Milateriga Soomaaliya iyo in la xoojiyo heshiiskii dhowaan ay wada galeen Soomaaliya iyo Turkiga, kaas oo ahaa heshiis difaac iyo mid dhaqaale.

Related Items


Leave a comment