Wasiirka Ganacsiga XFS oo dalka keenay Calanka bulshada bariga Afrika

Wednesday March 06, 2024 - 16:10:54
0 Comments
38
ahmed raajaa
MUQDISHO
Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Xildhibaan, Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi oo maalmahii la soo dhaafay safar shaqo ugu maqnaa waddanka Tanzania ayaa maanta dib ugu soo laabtay dalka, isaga oo sida Calanka Ururka dhaqaalaha Bulshada Bariga Afrika oo maalmo ka hor ay Soomaaliya si rasmi ah ugu biirtay.

Wasiir Jibriil, ayaa sidoo kale 4-tii bishan Maarso, 2024 wuxuu Calanka Soomaaliya iyo dhukmentiyadii ansaxinta heshiiska ku biirista Ururkaas geeyay xarunta Ururka oo ku taalla magaalada Caruusha ee dalka Tanzania.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Xildhibaan Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi ayaa Calanka Ururka Dhaqaalaha Bulshada Afrika ku wareejin doona Madaxweynaha dalka Dr; Xasan Sheekh Maxamuud, iyada oo marka ugu horreysa si heer qaran ah loogga taagi doono Madaxtooyada Villa Somalia, intaa ka dibna la suri doono guud ahaan xarumaha hay’adaha dowladda ee wadanka oo dhan.

Meeraysane.com 












Related Items


Leave a comment