Xildhibaanada 2-aqal ee BJFS oo maanta bilaabay ka doodista cutubka 3-aad ee Dastuurka KMG ah

Wednesday March 06, 2024 - 19:29:06
0 Comments
43
ahmed raajaa
MUQDISHO
Guddoomiye ku xigeenka Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Marwo Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar ayaa maanta shir guddoomisay kulanka 22-aad kalfadhiga 4-aad ee labada Aqal ee BFS, kulanka guddoomiyaha waxaa ku weheliyay ku-xigeenka kowaad iyo Labaad ee Aqalka Sare.

Ajandaha kulanka oo maanta ahaa siiwadida ka doodista soojeedimaha wax ka beddelka Dastuurka, iyadoona la bilaabay Cutubka 3-aad ee dib u eegista Dastuurka oo ka hadlaya Dhulka, Hantida iyo Deegaanka Qodobka 42-aad 47-aad.

Guddoomiyaha Guddiga dib u eegista Dastuurka labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xuseen Iidow, oo faafaahin ka bixiyay furitaanka cutubka Seddexaad ee wax-ka bedelka Dastuurka Soomaaliya ayaa sheegay in cutubka uu muhiim u yahay Dhulka, hantida iyo Degaanka ay leedahay ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Xildhibaannada labada Aqal ayaa aragtidooda ka dhiibtay cutubka Saddaxaad ee dib eegista Dastuurka, ayaa waxaa looga dooday, Dhulka, Guddiga Qaranka Madaxabanaan ee Dhulka, Shuruudaha Xubinnimada Guddiga, Kheyraadka Dabiiciga ah iyo Deegaanka.

Guddoomiye ku xigeenka Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Marwo Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar oo soo xirtay Fadhiga maanta ayaa waxay sheegtay in maalinta sabtida ah ay dhameestiri doonaan ka doodista Custubka 3aad een Dastuurka dalka.

Related Items


Leave a comment