Soomaaliya & Turkiga oo wada saxiixday heshiis ku saabsan horumarinta Hydrocarbons-ka

Thursday March 07, 2024 - 20:06:18
0 Comments
121
ahmed raajaa
MUQDISHO d
Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Kheyraadka Macdanta Dowladda Federaalka Soomaliya Mudane H.E. Abdirizak Omar Mohamed iyo Wafdi uu hogaaminayo oo booqasho ku joogo Dalka Turkiga ayaa heshiis la galay Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga ah ee Dalka Turkiga Mudane Alparslan Bayraktar.

Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Kheyraadka Macdanta Dowladda Federaalka Soomaliya Mudane H.E. Abdirizak Omar Mohamed iyo dhiggiisa dalka Turkiga ayaa kala saxiixday heshiiska Hormarinta Hydrocarbon Soomaaliya iyo sida looga faa’iidaysanayo.

Qoraal uu soo dhigay Wasiirka bartiisa X ayaa ku yiri, "Aniga iyo dhiggeyga dalka Turkey Mudane Alparsalan Bayraktar waxaan maanta kala saxiixday heshiis dawladeed laba-geesood ah oo ku saabsan horumarinta Hydrocarbons-ka oo ka mid ah kheyraadka dabiiciga ah ee dhaliya ilaha tamarta cayriin.

Tani waa munaasabad muhiim u ah labadeenna dal, waxaana si gaar ah dalka Turkiga uga mahadcelinaynaa taageeradooda ku aaddan xoojinta iyo xawaareynta wax-soo-saarka dhanka Hydrocarbons-ka ee Somalia.”

Related Items


Leave a comment