Madaxda Maaliyadda XFS oo Turkiga uga qeybgalay shir ku saabsanaa Iskaashiga Ganacsiga

Friday March 08, 2024 - 19:24:32
0 Comments
170
ahmed raajaa
TURKEY
Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Marwo Raaxa Maxamuud Janaqoow oo ku sugan Magaalada Istanbul ee Dalka Turkiga ayaa ka qeyb gashay shirka Iskaashiga Ganacsiga Hey’adaha Dowliga ah iyo kuwa aan Dowliga aheyn ee gaarka loo leeyahay (PPP).

Shirkaan oo ah kii 8-aad ee lagu qabto Dalka turkiga ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray horumarinta arrimaha Haweenka iyo ku garab siinta ganacsiyada muhiim ka ah.

Wasiiru Dowlaha ayaa sheegtay in doorka ugu muhiim san ee ay u taagan tahay uu yahay horumarinta iyo xoojinta qorshayaasha haweenka Soomaaliyeed, xili maanta loo dabaaldagayo maalinta caalamiga ah ee Haweenka 8-March.

Related Items


Leave a comment