Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga oo tababbar loogu soo xiray Baydhabo

Saturday March 09, 2024 - 17:09:44
0 Comments
77
ahmed raajaa
BAYDHABO
Maanta Waxaa magaalada Baydhabo ee xarunta ku meelgaar ah maamul goboleedka Koofur Galbeed tababbar loogu soo xiray saraakiil iyo saraakiil xigeeno ka tirsan qaybta 60-aad ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Tababbarkaan oo ay bixinayeen saraaakiil ka socotay hoggaanka isku xirka shacabka iyo ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed CIMIC ayaa lagu baranayay maaraynta dhibaatooyinka wajahaya shacabka ku dhaqan deegaanada laga saarayo khawaarijta,iyadoo Saraakiisha iyo saraakiil xigeenada qaatay tababbarka ayaa ah kuwa loo soo xulay sidii fahan guud uga qaadan lahaayeen waajibaadka isku lamaan ee ciidanka xoogga dalka soomaaliyeed , waajibaadkaas oo ah bad baadinta shacabka iyo baacsiga khawaarijta.

Hoggaanka isku xirka shacabka iyo ciidanka xoogga dalka soomaaliyeed ee ayaa wada dadaalo dheeraad ah oo ku aadan isku xirka shacabka iyo ciidanka , iya sidii looga feejignaan lahaa dhibaatooyink gaari kara shacabka ku dhaqan deegaanada laga saarayo khawaarijra arxanka daran.

Related Items


Leave a comment