Madaxweynaha puntland oo magacaabay wasiir kuxigeenadii iyo wsiiru dowlayashii puntland

Sunday March 10, 2024 - 18:38:27
0 Comments
90
ahmed raajaa
GAROOWE
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa dhammaystiray Golihiisa Xukuumadda cusub isaga oo magacaabay Wasiir ku xigeenno iyo Wasiiru-dawlayaal.

Mas’uuliyiinta uu magacaabay Madaxweyne Deni ayaa ka kooban 22 Wasiir ku xigeen iyo 14 Wasiiru-dawlayaal ah, kuwaas oo tiradooda guud noqonayso 36 xubnood.

MAGACYADA WASIIR KU XIGEENNADA CUSUB:

1. Maryan Cismaan Axmed Fangase ayaa loo magacaabay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Diinta.

2. Axmed Maxamed Axmed (Qixiye) ayaa loo magacaabay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta.
3. Cabdiraxmaan Khaliif Faarax ayaa loo magacaabay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dimuqoraaddiyadda.

4. Cabdullaahi Ismaaciil Maxamed ayaa loo magacaabay Wasiir ku xigeenka Maamulka ee Wasaaradda Maaliyadda.

5. Axmed Maxamed Bulxan ayaa loo magacaabay Wasiir ku xigeenka Dakhliga ee Wasaaradda Maaliyadda.

6. Maxamed Xasan Ibraahim ayaa loo magacaabay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah.

7. Maxamed Diiriye Gama’-diid ayaa loo magacaabay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare.

8. Cabdirashiid Xaaji Jaamac ayaa loo magacaabay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka.

9. Cabdulqaadir Maxamed Geyllan ayaa loo magacaabay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Hawlaha Guud Gaadiidka iyo Guriyaynta.

10. Faarax Cali Cabdi ayaa loo magacaabay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda.

11. Cabdirashiid Shiikh Cali Dhega-Sayn ayaa loo magacaabay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada.

12. Siciido Xuseen Cali ayaa loo magacaabay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Qoyska.

13. Yacquub Maxamed Cabdalle ayaa loo magacaabay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta iyo Dalxiiska.

14. Cabdikariin Maxamed Xasan ayaa loo magacaabay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgeshiga.


15. Axmed Cartan Maxamed ayaa loo magacaabay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha.

16. Ayuub Cali Axmed ayaa loo magacaabay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Degaanka, Daaqa iyo Isbeddelka Cimilada.

17. Maxamuud Maxamed Cali Gabax ayaa loo magacaabay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Khayraadka Badda.

18. Faarax Jaamac Boos ayaa loo magacaabay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha iyo Arrimaha Bulshada.

19. Siciid Salaad Maxamed ayaa loo magacaabay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha.

20. Maxamed Siciid Qolombi ayaa loo magacaabay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka.

21. Faa’isa Cali Ismaaciil ayaa loo magacaabay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka.

22. Siciid Saalax Seed ayaa loo magacaabay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha.

21. Faa’isa Cali Ismaaciil ayaa loo magacaabay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka.

22. Siciid Saalax Seed ayaa loo magacaabay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha.

MAGACYADA WASIIRU-DAWLAYAASHA:

1. Cabdul Cali Warsame ayaa loo magacaabay Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Diinta.

2. Keyse Cabdi Yuusuf ayaa loo magacaabay Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta.

3. Yuusuf Maxamed Waceys Dhedo ayaa loo magacaabay Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dimuqoraaaddiyada.

4. Maxamuud Shiikh Ciid Muuse loo magacaabay Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Maaliyadda.

5. Faarax Maxamuud Aw Cismaan ayaa loo magacaabay Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Qorshaynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah.

6. Cabdisalaan Cali Faarax ayaa loo magacaabay Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare.

7. Axmed Shiikh Faarax Maxamed ayaa loo magacaabay Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Caafimaadka.

8. Maxamed Siciid Xasan ayaa loo magacaabay Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda.

9. Siciid Maxamed Warsame Awaare ayaa loo magacaabay Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada.

10. Cabdinaasir Aadan Axmed ayaa loo magacaabay Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Xannaanada Xoolaha.

11. Siciid Maxamed Raage ayaa loo magacaabay Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Khayraadka Badda.

12. Cabdiraxmaan Axmed Ismaaciil ayaa loo magacaabay Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha.

13. Cabdiqaadir Jaamac Cali Afrax ayaa loo magacaabay Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka.

14. Cabdifitaax Maxamed Cabdinuur ayaa loo magacaabay Wasiiru Dawlaha Madaxtooyada.

Meeraysane.com 






Related Items


Leave a comment