Madaxweynaha Federalka somaaliya oo hambalyo ku aaddan bisha Ramadaan u diray Shacabka Soomaaliyeed

Monday March 11, 2024 - 13:52:39
0 Comments
72
ahmed raajaa
MUQDISHO
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay bilashada bisha barakaysan ee Ramadaan oo berri ay tahay maalinteeda koowaad.

"Dhammaan shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaan caalamka Islaamka waxaan idiin ku hambalyeynayaa munaasabadda barakaysan ee bilashada bisha Ramadaan.

Bisha naxariista iyo dambi dhaafka awgeed, waxaan dadka Soomaaliyeed ku baraarujinayaa in ay u istaagaan taakuleeynta dadkeenna danyarta ah, oo ay badiyaan Rabbi-bariga bishan barakaysan oo dalka iyo dadkaba ugu  duceeyaan amni iyo barwaaqo”

Alle ha inaga  aqbalo acmaasha wanaagsan.

Ramadaan kariim.

Related Items


Leave a comment