Wasiirkii hore ee Waxbarashada Soomaaliya oo Maanta lagu aasay Gaalkacyo.

Tuesday October 08, 2024 - 19:45:12
0 Comments
156
ahmed raajaa
GALKACYO
Allaha u Naxariistee Aaska Marxuum Cabdiraxman Cabdile Shuuke oo horay u ahaa wasiirkii hore ee Waxbarashada Soomaaliya oo Maanta lagu aasay Gaalkacyo.

Marxuum Cabdiraxman Cabdile Shuuke wuxuu ahaa halyeey Soomaaliyeed oo door muuqda ka qaatay horumarinta waxbarashada iyo dowladnimada Soomaaliya.

Marxuumka Wuxuu ka mid ahaa raggii dhidibbada u taagay waxbarashada dalka, isaga oo noloshiisa u huray dib u dhiska qaranka Soomaaliyeed, waxbarashada, iyo hagaajinta nidaamka dowladnimada ee Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Marxuumka ayaa Dadaalkiisa iyo juhdigiisii waxa uu noqon doonaa dhaxal uu kaga tegay bulshada somaaliyeed.

Meeraysane.com

Related Items


Leave a comment