Golaha Xuquuqul Insaanka ee Q/ Midoobay oo ansixiyay qaraar ay soo gubiyeen Soomaaliya iyo Egland

Friday October 11, 2024 - 23:17:55
0 Comments
10
ahmed raajaa
NEW YORK
Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta si rasmi ah u ansixiyay qaraar ay si wadajir ah u soo gudbiyeen Soomaaliya iyo UK, kaas oo diiradda saaraya caawinta Soomaaliya ee dhinaca xuquuqul insaanka.

Wakiilka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay ee Geneva, Khadra Ducaale, oo khudbad muhiim ah ka jeedisay Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay, ayaa bogaadisay tallaabadan iyada oo soo bandhigtay dadaallada ay Soomaaliya ka waddo dhinaca xuquuqul insaanka iyo horumarada laga gaaray.

Ambassador Khadra ayaa sheegtay in Soomaaliya ay hiigsaneyso dhammeystirka xilliga kala-guurka ee la falgalka hay’adaha xuquuqul insaanka muddo 12-bilood gudahood, iyadoo diiradda la saarayo hirgelinta qorshe-hawleed ku saleysan isla xisaabtan iyo daah-furnaan.

Safiirada ayaa iftiimisay tallaabooyinka muhiimka ah ee dhowaan la qaaday, kuwaas oo ay ka mid yihiin ansixinta sharciga xuquuqda naafada Qaranka, soo bandhigidda istaraatiijiyadda shanta sano ee Hay’adda Naafada Qaranka, iyo ansixinta sharciga carruurta.

Danjiraha ayaa ku adkeysatay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay kor u qaadidda ka-qeybgalka siyaasadeed ee loo dhan yahay, iyada oo gaar ahaan xustay muhiimadda ay leedahay in haweenka iyo dadka la heyb-sooco laga qeyb geliyo go’aamada muhiimka ah. Waxay intaa ku dartay in dalku uu dadaal xooggan ugu jiro xoojinta hay’adaha xuquuqul insaanka.

"Soomaaliya ayaa qorsheyneysa in sanadka soo socda ay soo gabagabeyso xilka Khabiirka Madaxa Bannaan ee QM ee arrimaha xuquuqda aadanaha, taasoo cadeyn u ah in dalka uu ku sii dhawaanayo isku-filnaanta ilaalinta xuquuqda aadanaha,”

Ambassador Khadra Ducaale ayaa uga mahadcelisay beesha caalamka taageerada ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan Ingiriiska, Sanduuqa Wadajirka ah ee Soomaaliya, iyo Kooxda Ilaalinta iyo Xuquuqul Insaanka ee UNSOM, kuwaas oo door muhiim ah ka ciyaaray horumarinta xuquuqul insaanka ee dalka.

Related Items


Leave a comment