MUQDISHO
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa caawa hoygiisa ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Dileita Maxamed Dileita oo booqasho ku jooga magaalada Muqdisho.
Wasiirka kowaad ayaa tilmaamay muhiimada ay leedahay iskaashiga labada dal ee Jabuuti iyo Soomaaliya iyo ka shaqeynta wadajirka taas oo Gobolka u horseedi karta horumar, is ixtiraam, nabad iyo xasillooni waarta, isagoo uga mahadceliyey walaalaha Jabuuti garab istaagga iyo dadaalka dowlada Jabuuti ay ku bixisay dawlad-dhiska Soomaaliya.
Mudane Dileita Maxamed ayaa dhankiisa uga mahadceliyey shacabka iyo dowlada Soomaaliyeed soo dhaweynta diirran ee ay u sameeyeen isaga iyo wafdigiisa,
Gudoomiyaha Jamhuuriyada jabuuti ayaa soo gaaray dalka maalintii shalay ahayd iyadoo ay soo dhaweyeen gudoomiye aadan madoobe iyo xildhibaanada barlamaanka somaaliya.
Meeraysane.com
Leave a comment