MUQDISHO
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo xiray Shiweynaha 5-aad ee Hoggaaminta iyo Hal-abuurka Dhallinyarada Soomaaliyeed, kaasi oo muddo labo maalmood ah Muqdisho uga socday dhallinyaro ka kala timid Muqdisho iyo gobollada dalka.
Madaxweynaha oo soo xiray shirkaan ayaa jeediyey khudbad dheer oo dhallinyarada Soomaaliyeed uu ku bogaadiyey, sidoo kale Maxaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka hadlay xaaladda guud ee dalka iyo arrimaha doorashooyinka, isagoo hoosta ka xariiqay in marnaba aan laga laaban doonin qabsoomidda doorasho qof iyo cod ah oo dalka ka bilaaban doonta bartamaha sanadka soo socda ee 2025-ka.
Mudane Xasan Sheekh ayaa madasha ka sheegay in marnaba aan laga laaban doonin qabsoomidda doorasho qof iyo cod ah.
"24-sano ayaan ku soo jirnay doorasho dadban hadana ka noqon mayno in aan aadno doorasho qof iyo cod ah.” ayuu yiri madaxweynaha.
Leave a comment