Ugaas Cumar Geelle oo maanta ka ambabaxay Bagmada Burtinle

Wednesday September 09, 2009 - 21:02:43
1 Comments
4609
Super Admin
Ugaas Cumar Geelle Maxamed oo maanta ka baqoolay dagmada burtinle una ambabaxay socdaal uu ku gadaha Puntland iyo dibadaba.

Ugaaska ayaan waxaa uu safarkiisu ahaa mid indhawaydba la hadal haye hase ahaatee u xayirnaa xaalado xagga beesha YD oo hada la xaliyey. Ugaaska ayaan waxaa la filayaa in uu safarkiisa ku gaaro wadanka Ethopia.

Safarka Ugaaska ayaa waxaa la filayaa in uu ka duullo Magaalada Boosaaso hase ahaatee waxaa uu ku hakanayaa magaalada Garawe ee xaraunta u ah maamul Gobaleedka Puntland ayada oo la filayo in uu joogo muddo labo malood ah sida uu noo sheegay il xogogaal ah oo ku dhow ugaaska.

Sidoo kale, waxaa uu ugaasku inta uusan ka kicitimin Magaalada Boosaaso ee gobolka Bari la filayaa in uu ku nagaado muddo asaga oo la filayo in ay is arkaan qaar ka mid ah dad waynaha beesha in ee ku dhaqan Magalada Boosaaso.

Xaladaha uu Ugaas Cumar Geele u aadayo  wadanka Ethopia ayaa waxaa naloo sheegay in ay ka mid yihiin arrimo caafimaad, madama uu ugaasku muddooyinkii ugu dambeeyey Xanuunsanaa hase ahaatee uu ujoogay dhamaynta khilaaf dhex dabaalanayey labo beelood oo wada dagta iyo arimo ka mid ah arimaha deganka

Mohamed Xaad

Burtinle, Puntland

Mxaad@xaarxaar.com


Xaarxaar Online: Maamulka@xaarxaar.com 

Related Items

Comments


Leave a comment