Xiisad ka dhalatay Xarigii loogu gaystay G/kacyo Eng.Cumar dheere

Thursday September 10, 2009 - 20:11:46
0 Comments
1673
Super Admin
Kadib markii Ciidanka Sirdoonka Puntland ee P I S-ta loo yaqaano ay xabsiga utaxaabeen Ganacsade caan ka ah deegaanada Puntland Guud ahaan Gaar ahaan Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka mudug oo lagu magacaabo Eng.Cumar Cabdille Maxamed (Cumar dheere)

Kadib markii Ciidanka Sirdoonka Puntland ee P  I S-ta loo yaqaano ay xabsiga utaxaabeen Ganacsade caan ka ah deegaanada Puntland Guud ahaan Gaar ahaan Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka mudug oo lagu magacaabo Eng.Cumar Cabdille Maxamed (Cumar dheere) ayaa waxaa ka dhalatay xiridiisa Xiisad Colaadeed kadib markii ay is aruursadeen dhalinayro ay isku haybyihiin Ganacasadaha laxiray oo weerar ku qaaday Xarunta P I S-ta ee Gaalkacyo ,waxaana ka bilowday Qax xaafada Israac ee Waqooyiga magaalada Gaalkacyo oo ah Goobta ay ku taalo xarunta Ganacsadaha lagu hayay.
 
Ugu danbaytii waxay arintu ku dhamaatay in dhalinyaradii ay xoog kula soo baxaan Maxbuuskii xirnaa kadib markii waxoogaa rasaas ah laisku tuurtuuray.
 
Hadaba dhacdadaas oo dhacaday maalintii Arbacada ahayd oo ku beegnayd 09/09/2009 ayaa waxaa canbaareeyay dadka samaha jecel ee gobolka degan waxayna masuuliyada arintaas foosha xun dusha kaga tuureen Ciidanka sirdoonka oo iska soo xiray  si xushmad dara ah nin masuul ah oo ka mid ah dadka udhaqdhaqaaq a arimaha bulshada gobolka mudug.
 
Sababta dhalisay xiritaanka engineerka ayaa lagu sheegay kadib markii Shirkad bixisa Adeegyada Korontada iyo isgaarsiinta Oo Telcom layriaahdo oo uu maareeye ka yahay Cumar Cabdille ay ka wayaday lacagihii biilka ahaa Xarumaha Ciidnka Sirdoonka taasoo markii danbe keentay in laga joojiyo Adeegii ay haysteen,iyaguna ay qaateen go 'aan ah in ay soo xireen maareeyaha Shirkadda Telcom Laanteeda Gaaalkacyo Eng.Cumar Cabdille Maxamed (Cumar dheere)
 
 
Xaarxaar online
Gaalkacyo,Somlia

Related Items


Leave a comment