Xaarxaar Online oo akhris tayaasheeda leh "Ciid Mubaarak"

Sunday September 20, 2009 - 09:20:52
0 Comments
5598
Super Admin
Waxaan dhamaan umada Islaamka ah gaar haan umada Somaliyeed uga baryeynaa Ilaahay in uu ka aqbalo acmaashii wanaagsanaa ay joogteeyeen Bishii Ramadaan, Ilaahay waxaan ka baryeynaa in dhamaanteen nagawada xoreeyo Cadaabta albaabada Janada noo furo, Aamin, Aamin.

Sidoo kale, waxaan dhamaan akhristayaasha iyo macaabiisha sharafta leh ee shabakada xaraxaar Online leenahay Ciid Mubaarak Meelkasta aad joogtaan ilaahayna sanadkaan  sanadkiisa kale khayr hanagu wada gaarsiiyo. Aamin

Waxay Xaarxaar Online Tahniyad iyo Ciid Mubaarak si gaar ah ugu diraysaa dhamaan Agaasimayaasheeda, shaqaalaha iyo sidoo kale Volunteers-keeda meel kasta ay ka joogaan dunida, kuwaas oo ku baxshay wakhtigooda in ay udeegaan bulshadooda, isla markaana haqab tiraya Baahinyada loo qabo kala war helida iyo wada xiriirka bulshadu aysan ka maarmin.

Xaarxaar Online waxay dhamaan Bulsha waynta YD uga baaqaysaa in loowada istaago arimaha beesha gacmahana laysku qabsado sidii loo hormarin lahaa arimaha ay bulshadu kudhisanto, sida, Arimaha Siyaasada, Hogaanka, Deegaanka, Dhaqaalaha, Aqoonta iyo Iwm. Dhammaan Beesha meel kasta oo ay joogto waxaan Allah uga rajaynaynaa Caafimaad, Barwaaqo iyo Cibaado suuban in ay ku gaaraan Ramadaan kaan Ramadankisa  kale. Allahuma Amin

Taqabballahu Minaa Waminkum Salaaxil Acmaal. Kullu Caamin Wa antum Bikhayr

Related Items


Leave a comment