Deegaanka xaarxaar oo si wayn looga ciiday

Monday September 21, 2009 - 17:37:26
0 Comments
3992
Super Admin
Deegaanka Xaarxaar oo si wayn looga ciiday iyo bulshada reer burtinle qaarkeed oo farxad ciida ku soo qaatay deegaanka Xaarxaar

Subax nimadii hore ee Axada Sept 20, 2009 ayaa waxaa lagu arkayey wadada wayn ee laamiga tobanaan kun oo dad ah oo u soo baxay gudashada salaada ciida ayaga oo saaka laga ciiday meelo badan oo ka mid ah deegaamada Puntland siiba gaar ahaan Dagmada Burtinle oo ayadu ah xarunta laga maamulo Deegaanka Xaarxaar.

Waxaa saaka lagu tukaday Masaajid ka wayn ee Imaam ee Deegaanka xaarxaar asaga oo uu yahay masaajid Cusub oo dhawaan laga dhisay deegaanka  iyo Xarun waxbarasho oo aad u wayn. Waxaa salaada ciida ka dib dadka ay isugu hambalyeyeen  Farxada Ciida iyo damaashaad keeda.

Sido kale waxaa saaka ay ahayd mid aad u mashquula deegaanka xaarxaar marka ay soo gaareen dadwayne aad u badan oo ayagu u soo booqasho tagay deegaanka. saaka ayaa waxaa larkayey gaariyaasha iyo dadka oo aad u jooga deegaanka ayada oo ay tahay ciidul fidriga ayaa waxaa wadooyinka ku arkaysay caruurta oo aad ugu mashquulsan farxaad darteed kuna ciyaaraya alabta ay caruunta lagu maaweeliyo maalmaha farxada sida ciida.

Dadka maanta ciida ayaa waxaa ay ka kala yimaadeen Magalooyin Badan sida Dagmada Burtinle, Galkacyo, Garawe iyo waliba meelo kale oo badan. Deegaanka ayaan sidii hore hada ahayn Barwaaqo iyo roob roob, hase ahaatee aysan ka dhicin waxba waqtiyadii hore ee ciida ayada oo ay hada tahay xilli roobaadkii lana filayo in uu da'o dhawaan.

Kadib salaadii ayaa waxaa khudbado wan wanaagsan ka soo jeediyey masaajidka Odayaal dhaqameed ayaga oo ay ka hadleen xaalado badan oo ay ka mid tahay qalalaasaha  soo noqnoqday ee deegaanka xaarxaar iyo ilaahay loo laabto markasta, sidoo kale waxay dhalinyaradu uga digeen in ay iska ilaaliyaan wax kasta oo sumcad xumo u keeni kara deegaankooda iyo sharafta guud sila markaana si wayn loo qadariyo dhamaan bulshada Somaliyeed gaar ahaan kuwa lawada dagan yahay, waa sida ay hadalka u dhigeene.

Tafatiraha Wararka BYD

Related Items


Leave a comment