Waa Su'aale Awrtablaw maxay idin latahay?

Wednesday September 23, 2009 - 18:40:16
0 Comments
1562
Super Admin
Maxay idinla tahay? waxaa iga gudoontaan salaan sharaf badan marka hore tan kale arintan aan ka hadlaayo waa arin aad u fudud haddii dadkeenu uusan ahayn dad madax adag ama wax garad ahayn, mana filayo inay yihiin marka waxaan filayaa inay arintu ku xiran tahay qof walba siduu wax u arko.

 

Hadaan u noqodo mida dad badan oo anaga ah qabaan oo ah dadbaa wax carqaladayn kara markay arkaan dad wax wada, taas waxaan ka leeyahay ma samayn karaan sababtoo ah nin dhaawiciisa dhayanaya ma nin baa oran kara war meeshu ha fashfashtee daa, mise wuxuu ku dhiiri galinayaa in ninka si fiican loo dhayo ka fakar walaalayaal arin walba oo aad samaynaysid positive iyo negative bay leedahay adigoo labadaba ku raadinaya taas waan ogalahay laakiin in negative kaliya aan isku wadno taasi waa nasiib daro aniga waxaa qabaa dadkeenu wuxuu u baahan yahay in rayigooda ama figradahooda kala duwan aysan ku kala tegi karin, taasoo keeni karta in lagu kala tago ama dhaawacda horumarinta beesheena.


Arimahan waxaan filayaa inay yihiin qayb kamid ah nolosha bini aadamaka uusan ahayn mid lagu kala tegi karo taas ayaa inaga qaldan oo aan soomaali la wadaagno waana is fahan la'aan baan qabaa iyo iyadoo hadalka laga fiirsan lagu wada hadlayo.
waa in nin walba isku dayo ninka kale inuu af garan karo isagoo og in lagala ra'yi duwan yahay isagoo tanaasulaad u samaynaya horumarinta beeshiisa iyo tan reerkiisaba.
 
Waxaan maaha wax ninkaliya uu dan gaar ah leeyahay ee waa dan guud waxaana qabaa arimaha aan soo qori doono hadii la isku af garto in in la si fahmi karo.
 
 
1- Waa inla helo aqoon yahano awrtabla ah oo raba horumarinta beesha
awrtable mid siyaasadeed iyo dhaqaale iyo mid waxbarashaba.
 
2-Waa inay jiraan sharciyo kala haga kuwaasoo ah kuwa beeshu ay degsatay aan la jabin karin qofkii jabiyana uu yahay qof ka soo horjeeda horumarinta beesha.
 
3-Waa in laga dhaadhiciyo reer walba oo awrtabla ah inay tahay arintan arin guud aysan ahayn mid reer gooni ah uu helayo faa'iidada.
 
4- Dadkaas isu tagay waa inuu jiro gudi sare oo go'aan ka gaara iyadoo gudigaas loo soo dhisayo mid cadaalad ah oo uu dadka ku qanci karo.
 
5- Gudigaas waa inay yihiin kuwa daacad ah una qalma inay matalaan beesha.
 
6-Waa in shir lagu qabto sanad walba meeshii uu gudigu go'aan ku gaaro iyadoo uu gudiga u sheegayo wax qabadkooda iyo meesha xaal u marayo.
 
7-Waa in lacag laga qaado shaqsi walba oo awrtabla ah ugu badnaan $20.00 ama ka yar ama ka badan hadba wixii go'aan lagu gaaro, iyadoo loo eegayo qofka tabartiisa, xataa aan laga tegin habarta baadiyaha joogta neef ari'ah.
 
8-Lacagtaas waa in qaar kamid ah loo dhiibo ganacsatada awrtable si ay uu u maal galiyaan, lagulana xisaabtamo hadba inta fuushay ayna ku shubaan sanduuq taasoo wax loogu qaban doono beesha.
 
9-Waa in nin walba awrtabla ah uu kashaqeeyo horumarinta beesha iyadoo loo sharaxayo sida wax loo samaynayo.
 
10-Sda kalaiya oo arimahan ay ku dhici karaan waa in la helo ilaa 100 qof oo awrtabla ah ama ka badan intii la heli karo oo shirka u horeeya isugu yimaada oo lagu dooranayo
gudiga arimahan fulin doona kuwaas oo si cadaalad ah oo beeshu u dooran doonto. Ma riyoonayaa mise waa wax dhici kara ila soo socodsii say idinla tahay.
 
ka raali ahaada mar kale naacnaacdayda fakar ayuu reerkan igu riday run ahaantii markaan arko iyagoo is kala saarsaara

 


Qore: Maxamed Daahir Sheikh-Nuur

Email: odokore@yahoo.com

Related Items


Leave a comment