Waraaq furan oo Ku socota Beel waynta Arwtable,

Friday September 25, 2009 - 05:05:47
0 Comments
1573
Super Admin
Maxay idinla tahay walaalayaal arimahan aan soo qori doono? Arimahaas oo ah kuwo aad uqodo dheer aas aasna u ah Bulsha walba oo horumar iyo midnimo doonaysa

1-Inaan qabsano hogaanka soomaaliya iyadoo aan raacayno wadadii odayaashii wanaagsanaa aanu ka nimid.

2-Inaan qoriga qalin ku badalano.

3-Inaan arday Malaysia u dirsano isla markaana dadka qurbaha jooga ay bixin doonaan ardaydaas qarashka ku baxaya si aanu mustaqbalka hogaankiisa u qabsano.

4-Waa inaan deegaan Awrtable ku magacaaban yeelano, taasoo ay samaysan doono iskuulaad, ceelal, iyo wixiii la mid ah.

5-Waa in la helo 1000 qof oo awrtable ah oo rag iyo dumarba leh oo u huraya horumarinta beeshooda, taasoo laga qaadi doono lacag gaaraysa $100.00 qof walba. taasoo bishii noqonaysa $100.000, sanad haday shaqayso arintaas waaxay noqonaysaa $1.200.000.

6-lacagtaas oo aan wax badan ku qabsan karno iyadoo loo samayn doono gudi naftooda hurayaal ah oo ku shaqayn doona arimaha kor ku xusan.

7-waa inaan ka tanaasulno iskala qaybinta reerka taabatay oo aan u kicitino horumarka beesheena.

8-Waa inay naga go’an tahay arimahan rabno inaan samaysano anagoo og marxalada aan manta kujirno.

9-Waa inaan degsanaa amaa samaysanaa odayaal iyo aqoonyahano hogaanka reerka qabsada.

10-lacagtsas waa in loo dhiibaa qaar ka mid ah ganacsatada reerka iayadoo aanu samaysan doono warshado iyo reerku lee yahay, taasoo noo suurta galinaysa inaan qabsano mustaqbalka wadanka. Ninba ninkuu ka warshadi badan yahay waa ka hour marsan yahay. Lacalgtaas waxay dhistaa ilaa toban warshadood. Oo lagayn doono meshii tolku ku heshiiyo inay deegaan noo noqoto.

Fadlan baraaruga oo wax wada qabsada waana arimo fudud hadii aan la dhayalsan.

Walaalkiin awrtable oo idin leh thank you kindly


Qore: Maxamed Daahir Sheikh-Nuur
Odokore@yahoo.com

Related Items


Leave a comment