Shirarkii Beesha YD ee ku aadanaa Beesha CM oo dib loo dhigay

Sunday September 27, 2009 - 17:43:11
0 Comments
1584
Super Admin
Shirarkii Beesha Yuusuf Daarood ee ku aadanaa Beesha Cumar Maxamuud oo dib loo dhigay muddo sababo xagga waqtiga la xiriira

Waxaa ay ahayd Ramadaankii dabayaaqadiisii markii ay kulankii ugu dambeeyey ay yeesheen labada beelood ayaga oo isku afgartay wixii ay ka wada hadlayeen waqtigaas hase ahaatee dib loo balamay markale bacdal ciid Fitri.

Masuul ka mid ah Beesha YD oo aan waydiinay Sababha uu u baaqday ayaa waxaa uu noo sheegay in ay tahay Xaalada Waqtiga oo gaabatay hase ahaatee loo balan san yahay maalmaha soo socda ayada oon cadayn waqtiga rasmiga ah ee la kulmi doono.

Warar aan ka helayno dad xoggogaal ah ayaa sheegaya in la kulmi doono maalmaha foodana nagu soo haya gaar ahaan Isniinta Tariikhdu tahay 5/10/2009 hadii alle yirahdo.

Shirarka ayaa looga wada xaajoonayey arimo la xirriira Qalalaasihii deegaanka Xaarxaar ee soo noqnoqday ayaga oo ay isla af-garteen labada beelood in la soo afjarao wax kasta oo khilaaf ahaa ee ka dhashay Deegaankaas.

Shirkii ugu dambeeyey ee ay kala hogaaminayey labada Beelood Masuulada kala ah Islaan Bashiir Islaan Cabdille oo ahaan madaxa Beesha CM iyo Ugaas Cumar Geelle Maxamed oo ahaan Madaxa Beesha YD ayaa ayagu soo af-jaray intii Badanayd Xaaladii la isku mari waayey oo ahayd mid aad u dhibtay Mudanayaasha Nabadoonada Hase ahaatee ay ku Guuleeysteen Labada Isin.

Gunta iyo Gababada, Warbixinta ayaa ah in aan Xusno in aan si toos ah ula socon doontaan wararka kasoo baxa shirarkaas Meelkasta oo aad joogtaan. waxaa ay idin leeyihiin Bahda Xaarxaar Online Waad ku mahadsantihiin Daalacashadiina Sharafta Leh

 

Tafatiraha Wararka BYD                                                                                Muhamed Xaad Geelle 

Xaarxaar Online Mxaad@xaarxaar.com  

Meeraysane Ku mushaax Bishaan Bisheeda 

Related Items


Leave a comment