Danta guud iyo midnimada reerka waa lama taabtaan

Sunday October 04, 2009 - 18:52:33
0 Comments
1637
Super Admin
Salaan qaali ah iga gudooma marka hore, tan xigta waxaan rabaa inaan idin tusaaleeyo arimo badan oo tolku wada qabsan karo. Arimahaas oo ah arimo wax ku ool u noqon karta bulsha waynta awrtable.

 


1-Inaan daacad isku noqono dhexdeena isla markaana lays aamini karana.
2- Ixtiraamka rayiga kala duwan oo aan lagu kala tegin.
3-In awrtable isu tanaasulo iyagoo eegaya horumarkooda iyo midnimadooda.
4-Danta guud iyo midnimada reerka waa lama taabtaan.
5-Inaan is cafino dhexdeena anagoo eegayna hore socodkeena.
6-Nin walba oo awrtable ah waa inuu la aamusin rayigiisa wanaagsan kaasoo wax ku ool u noqon kara bulshadeena.
7-Aruurinta ra’yiga bulsha waynta awrtable waa lama huraan, taasoo suura galinaysa mujtamaceenu inuu garan karo inay arimahaan suura gali karaan.
8-Waa inaan samaysanaa ama aan ku wada xiriirnaa sidaan ku fulin lahayn arimahan kor ku xusan, iyadoo la eegayo sida hadba wax loo qaban karo.
9- Shir deg deg ah waa in la qabtaa kaasoo lagu dooran doono gudiga fulin doona hawlahan. Waxaase qabaa waa in qurba joogta awrtable aysan dhayalsan ama fududaysan horumarinta beeshooda.
10-Qof walba oo rag iyo dumarba leh waa inay masuuliyad waajib ah dusha iska saaraan, iyagoo og wax loo baahan yahay inay tahay arimahan aan soo qoray iyo kuwii horaba.

Raali iga ahaada mar kale, waxaan aan samaynayo waa guubaabo aan is guubaabinayno dhexdeena. Waxaan arkay qabiilo qabaailka soomaaliyeed ka mid ah oo samaystay horumar fara badan taasoo aan aad ii farxad galisay horumarkay samaysteen. Markaasaan jeclaystay inaa tolkay horumarkaan oo kale gaari karo haday ku heshiiyaan waan ku celinayaa mar kale haday ku heshiiyaan.


Qore: Maxamed Daahir Sheikh-Nuur
Odokore@yahoo.com

Related Items


Leave a comment