Xildhibaan ka tirsan Baarlamaka Dowlada KMG ayaa ku dhaawacmay Magalada Muqdisho ka dib markii ay haleeshay Rasaas aay la garanayn meel ay ka soo dhacday.
Jamaciyada Qurumaha ka dhaxaysa laanta Ladagaalanka Burcad badeeda ayaa ku baaqday in Burcad badeeda somaliyeed ee lagu qabto falalka Burcadnimada bada lagu maxkamdeedyo wadanka somalia
Hogaamiyaha Ururka Alqaida Osama Bini ladin ayaa ugu hanjabay wadanka faransiska hadii uusan ciidankisa kala bixin Afganistan in la dili doono Muwadinin u dhalatay wadankas oo lagu hayo mid ka mid ah somalia
Tafatiraha Wargayska Maalinlaha ah ee ka soo baxa magalda Hargaysa WAAHEEN ayaa maanta markii ugu horaysan la keenay maxkamada ka dib markii la xiray bishii 11aad ee sanadkii tagay ka dib markii ay dowladu ku eedaysay in uu daabacay warar ka hor imanaya maamulka somaliland.
Hogamiyihii Xizbigii Shabab ku biiray ee xizbul islan Shiikh xassan daahir aways ayaa ku tilmamay maraakiibta shisheeye ee xeebaha somaliya jooga in ay shabab ka waardiyeynayaan somaliya ee aysan burcad dantodu ahayn.
Wiil dhalin yaro somali american ah aya dib xoriyadiisii u helay ka dib markii uu mudo ku xirnaa wadanka kuwait oo uga shakiday in uu xiriir la lee yahay kooxaha ka dagaalama somalia .
Ciidamada Bada malaysia ayaa Gacanta ku dhigay Burcad badeed ka dib markii ay awooda kaga soo furteen markab ayaga oo hada burcada laga hayo markabka dushiisa ayaa tiradooda lagu sheegayaa ilaa 8 nin .
Shiikh Xasan Daahir Aways ayaa ugu baaqay dadka somaliyeed ee abaaruhu saameeyeen in ay ka kaaftoomaan sugida hayadaha asaga oo ku tilmamay kuwo aan wax u qabanayn dhib iyo lugooyo ma ahane .
Ciidamada la dagaalanka Burcad Badeeda somalida ee ku sugan xeebaha somaliya gaar ahaan kuwa Mudug ayaa weerar ku qaaday Niman dhalin yaraa oo ay uga shakiyey Burcad xilli ay joogeen Biriga wateen gaari.