Haweenta waa ay qososhaa marka ay awoodo , waxa ay ooysaa marka ay doonto. xikmado aad u macaan.
-
Guurka ka hor haweentu waa ay taqaanaa dhamaan jawaabaha, , guurka ka dib waa ay xifdisaa dhamaan su’aalaha .
-
Ka hor guurka ninku waxa uu qabsadaa Gacanta haweenta jaceyl awgii , guurka kadib waxa uu u qabsadaa si uu isku daafaco.
-
Nin kastoo guuleysta waxaa ka dambeeya haween dhiiri gelisa .
-
Haweenku waa sida Shini oo kale oo Malab kuu keenta , balse ku qaniineysa .
-
Hadii aad dooneysid inaad waasho haween , waxaad ka yeeshaa maalintaa oo idil muraayad la’aan .
-
Nolosha qof waliba waxaa ugu dhib badan laba shey , kan koowaad waa marka uu la’yahay jaceyl , tan labaadna waa marka uu helo .
-
Haweenku waxa ay afkooda ku wataan seeftooda .
-
Jaceylku waa Ruwaayad haweentu ay wado , ninkuna uu maalgeliyo .
-
Dhunkashada waa wadada kaliya ee mararka qaar hadalka ka hakin kara dumarka Sodohda waa middii xal u heli karta mushkilad kasta oo ka dhex dhacda qoyska .
-
Naag waa sida badda oo kale , waxa ay adeecdaa qofkii u itaal sheegta , waa ay isla weyntahay oo ay ku caasisaa qofkii ka baqa.
-
Guurku waa dhabaha kaliya ee lagu ogaado qofka nabadda Jecel.
-
Hala doodin haween careysan waayo waxa ay kaa lumineysaa waqti , hala doodin sidoo kale haween raalli ah waayo waxaad ka lumineysaaa waqtigeeda.
-
Haweentu waxa ay muujisaa Caqligeeda si ay u hesho shaqo , badownimadeeda ayey muujisaa si ay u heso nin .
-
Haweentu hadii ay la yaabto ninka aamusnaantiisa , waxa ay moodaa inuu iyada ka aamusan yahay.
-
Wadada kaliya ee haweentu ay kugu dhageysan karto waxa weeye adigoo uga sheekeeya dumar kale
-
.Haweenka oo idil waa ay qurxoonyihiin ilaa iyo inta laga guursanayo.
-
Haweentu waxa ay muujisaa Caqligeeda si ay u hesho shaqo , badownimadeeda ayey muujisaa si ay u heso nin .
-
Qalbiga haweenku waa sida cambar aanu la garaneyn wanaagiisaa ilaa iyo marka la gubo mooyee
-
Haweenku hadal ma joojiyaan ilaa iyo inta ay ka ooyaan .
-
Dumarka muuqaalka xun waa cudur caloosha ku jira , dumarka qurxoon waa xanuun madaxa ah .
-
Xaaskaaga yaaney dooran indhahaaga , ha doorato dhegahaaga .
-
Waxa ugu macaan haweenka waa sheekadooda , raggana waxaa ugu weyn midkii leh dhego wax lagu maqlo.
-
Gabadhu waxa ay dunida ka dalbataa waa nin , hadii ay hesho wax kale uma baahna .
-
Ninku waxa uu jaceylyahay in haweentu ay fahamto , iyaduna waxa ay dooneysaa inuu jeclaado .
-
Xulashada haweenka waa sidii dagaal aad galeyso oo aadan ogeyn dhibka iyo dheefka aad kala kulmeyso.
-
Haweenta wanaagsan waa buug xiran , aanu aqrin Karin ilaa iyo ninkii horey u xushay mooyee.
-
Waxa u dambeeya ee ninka u dhinto waa wadnaha , haweentuna waa carabka .
-
Gabadha maanta hadii ay is qurxiso waxbey fitneysay , hadii ay dhoolacadeyso layaab ayey dhigtay , hadii ay cunto kariso waa ay dhameystirtay .
-
Haweentu waa sidii leyr ifaaya hadii ninka uu garto qaabka loo qabsado wadada ayey u ifisaa , balse hadii uu gefo waxa ay gubtay labadiisa Gacmood .
-
Haku faanin inaad ku wanaagsan tahay cunta karinta , taasi cadeyn u noqon meyso inaad ka yartahay da’da 30-ka. .
-
Haweenka iyo wargeysyada waa kuwa siman waayo waxa ay labaduba baahiyaan war.
-
Haweenku waa ay ilmeeyaan , waa ay tabar liitaan , balse awooda ilmeynta hadii ay faraha ka baxdo waxa ay sababtaa inuu wadnaha istaago.
-
Calaamadaha Jaceylka dhabta ah ee Ninka waa Xishood , haweentuna waa dhiiranaan .
-
Waqtiga Shukaansiga wiilka waa uu hadlaa gabadhuna waa ay dhageysataa , xiliga guurka caruusadu waa ay hadashaa , caruuskuna waa uu dhageystaa , guurka ka dib waa ay wadahadlaan labaduba deriskuna waa uu dhageystaa .
-
Raggu waxa ay awoodaan inay ka qosliyaan dumarka sida hadba loo xakameeyo Gaadiid xawaarihiisu sareeyo .
-
Gurigu waxa uu dhisaa guryo sare , waxaase burburiya kuwa ku jira gudihiisa .
-
Hadii laba dumar ah ay kulmaan , midkasta waxa ay iskudaydaa inay muujiso joogeeda iyo da’yaraanteeda .
-
Markuu Jaceylku guriga joogo , qalbigu waxa uu noqdaa mid diiran .
-
Haweenka waa sida midabka gidaarka oo kale oo sanad kasta u baahan in isbadal lagu sameeyo.
-
Afadu waa midda ilaalisa dhamaan wixii uu u keenay seygeeda .
-
Haweenku waa halxiraalle furihiisu yahay Jaceyl
-
Haweenku waa kuwa isku gadiya sida tif dabeyli qaadayso.
-
Haweenka wanaagsan waa Sanduuq luul ah oo maalinba quruxdiisa la soo baxaya .
-
Haweenta Caqliga leh waa tan ka dhigta hadalka ninkeeda sokor macaan badan.
-
Ninkii haween ku guursada qurux waa sidii nin iibsaday guri la dhalaaliyay .
-
Haweenta waa ay qososhaa marka ay awoodo , waxa ay ooysaa marka ay doonto.
-
Ninka waxa uu haweentu u sheegaa waxa uu doono , balse haweeneydu waxa ay ninka ku sameysaa waxa ay doonto .
-
Si aad u kasbato xaaskaaga waxaad dhageysataa hadalkeeda .
-
Haweeneydu waxa ay ugu sheekeysaa dhalinta qalbigeeda , kadibna carabkeeda .
-
Haweenta foosha xun waxa ay wajigeeda ku eegtaa Muraayadda , haweenta qurxoon waxa ay wajigeeda ka dhex aragtaa wajiyada kale .
-
Waxaa muhiim ah inaad fahamto haweentu marka ay ooyeyso sida warqada ay dabeysha u gediso.
-
Source: Xusuus
Leave a comment