Hees wadani ah oo loogu baroordiiqay xasuuqii Hotel Shamow-Daawo

Tuesday December 15, 2009 - 16:33:18
0 Comments
4156
Super Admin
London 15/12/2009 .Fanaaniinta Soomaaliyeed ee degan magaalada London ayaa si wadajir dareenkooda ku cabiraya hees wadani ah masiibadii ka dhacday Hotel Shamow ee magaalada Muqdisho todobaadkii hore.

Abwaan Abdi Shire Jama ‘’ Ciyaal Jecel’’  ayaa curiyay heesta Qeylo dhaan  oo loogu baroordiiqayo Ardaydii, Barayaashii, Taqaatiirtii iyo Masuuliyiintii Qaran ee lagu xasuuqay Hotel Shamow, heesta magaceeda waxaa la yiraahdaa  Qeylo Dhaan waxaana si wadajir ah ugu wada luuqaynaya fanaaniinta kale ah, Nicmo Yasin, Jooqle Shire, C/raxman Sheikh, Xuseen Shire iyo C/xakiim Farayare, halka laxanka heestana uu sameeyay Alfanaan Mohamed Karaama, kuwasoo dareenkooda Soomaalinimo ku muujinaya heestaan wadaniga ah islamarkaana dadka Soomaaliyeed ugu qeylo dhaansanaya dhibaatada ka jirta dalka Soomaaliya iyo sidii wax looga qaban lahaa.

Heestaan qofkii dhagaystana waxa uu si dhab ah u milicsanayaa dhibataada iyo dabargo’a dadka waxtarka ah logu haysanaya qaraxyada iyo gumaadka aan dhamaadka lahayn ee ka socda dalka Soomaaliya .

Abwaan Cabdi Shire Jama ‘’ Ciyaar Jecel’’ ayaa ah abwaan dhalinyaro ah oo soo saara heeso iyo gabayo murti weyn xambaarsan islamarkaana mar walba ku cabira  marxaalada dala u maraya mar kasta ,waxa ka mid heesihiisa heesta  la yiraahdo’’ YAAN LA DOORAN, HALA DOORTO’’ oo uu kaga hadlayay Doorashadii lagu qabtey dalka Jabuuti oo run ahaantii fariimo kale duwan xambaarsan uu ku cabirayo waxa dadka ay doonayaan iyo waxaysan doonaynin.

Fanaan al abwaan Xuseen Shire Jama oo aan caawa ku wada hadalnay qadka Telefoonka ayaa iga codsaday in heestaan aan gaarsiiyo shabakadaha wararka Soomaalida wax ka qora si dadka Soomaaliyeed u gaarsiiyaan heestaan Wadaniga ah oo ay ku cabirayaan dareenkooda Soomaalinimo iyo Wadaniyadeed, si ay ula qaybsadaan baroordiiqda lagu xusaayo dadkii qiimaha badnaa ee lagu qarxiyay Hotel Shamow ee magaalada Muqdisho

W/D: Yusuf Yusuf

mrsomalia@hotmail.com

London, UK

Related Items


Leave a comment