Kooxda Danaha Somaliyeed oo kulan laqaatay Somalida Boston

Friday December 18, 2009 - 09:05:50
0 Comments
4012
Super Admin
December 16, 2009, Kulan ballaaran oo ay soo abaabuleen Kooxda Dahana Somalileed (Somali Interest Group) ayaa waxaa uu kadhacay hallka shirarka ee ISBCC masjid Magaalada Boston ee wadanka USA.

Kulankaan oo ay kasoo qayb galeen qaybaha kala duwan ee bulshada somalida ee ku nool Boston iyo nawaaxigeeda ayaa waxaa looga hadlay Ujeedada Ururka iyo waxa ay kabadali karto xaalada Somalia ee murugsan maanta.

Kulankaan uu hogaaminayey Ali Faysal Farah oo ah Chairman-ka Kooxda Danaha Somaliyeed ayaa sifiican uga warbixiyey sababha keenay in la aas-aaso ururkaan iyo xalada Somalia ee maanta kusugntahy. Ali Faysal waxaa uu sidoo kale sheegay in ururkaan lagu aas aasay Nairobi Kenya loona abuuray sidii si loo helo qaran mideysan  iyo dawlad  Soomaaliyeed oo ku dhisan sinaan, cadaalad, ku dhaqanta diinta Islaamka, dhawrtana xaquuqda muwaadinka iyo nabad dadweynaha.

Mudane Abdulakdir Yasiin oo ah maxada hay’ada African Community Economic Development of New England (ACEDONE) ayaa sidoo kale ugu baaqay bulshawada somaliyeed gaar ahaan reer Boston in ay kashaqeeyaan sidii loo soo celin lahaa qaran Somaliyeed lana garab istaago Kooxda Danaha Somaliyeed.

Kasoo qayb galayaashii kulankaan oo iskugu jiray Waxgarad iyo dhalinyaro ayaa run ahaantii sifiican usoo dhaweeyey Ujeeda Kooxda Danaha somaliyeed kulana taliyey in ay iska ilaaliyaan dadka danaha khaaska leh ama qabiilka kudhisan, waxay sidoo kale kudhiiri galiyeen Chairman Ali Faysal iyo xubnaha kale ee KDS in aysan kadaalin sidii loo soo celin lahaan qarankii somaliyeed ee burburku harqiyey 20kii sano ee lasoo dhaafay.

Daawo Sawiro

 

Charmain Ali Faysal ayaa sidoo kale wuxuu soo bandhigay qaraal uu kuqoran yahay hadafka Kooxda Danaha Somaliyeed. Hadaba Hoos ka akriso si aad uga bogatid.


Kooxda Danaha Soomaaliya 

(SomaliInterest Group)

Xogwaranka Xaalada Guud ee Soomaaliya

Xaalada guud ee Soomaaliya ayaa maanta ah mid ka laadlaada qar oo fara cidiya leh ku taagan kuna sugan iney bohol ku dhacdo. Taasi waxaa sii dheer in ay jiran quwado kala duwan oo ficilkoodu wado in ay Soomaaliya bohosha ku dhacdo walow qolyahaasi ku andacoonayaan in ay miciin u yihiin Soomaaliya.

Waxaan qofna ka qarsanayn in Qaranimadii Soomaliya, Madaxbanaanidii. Midnimadii, Diintii iyo Dhaqankii Soomaaliya intuba ay ku sugan yihiin khatar kaga timid xoogag gudaha iyo dibedaba ka socda.

Dhibka Soomaaliya oo mar walba loo adeegsanayey qaab cusub ayaa ah mid soo galay marxalado kala gedisan sida:

1-      Mid loo adeegsaday Qabiil,

2-      Mid ay Hoogamiye Kooxeed (Warlord) ku amar-ku-taagleeyaan.

3-      Mid magac diineed loogu gabanayo,

4-      Mid magac dawladnimo ugu adeegaya kooxo iyo dawlado shisheeye.

Waxaa jirta mar kasta oo dhibku sii bato in wadaninimada shakhsiga Soomaaliyeed ay mugdi galayso, waayo qofku wuxuu raadinaya si kasta oo u dhibka kaga bixi karo. Waxaa kaloo jirta in xoogaga kala duwan ee dhibka wada ay ugu yaboohayaan shakhsiga dhiban inuu ku soo raaco qabiil, qaab diineed, qaab  gobolaysi, ayagoo u tusaya in ay xal u hayaan badbaadiisa. Taasi waxay keentay in ay luntay fikirkii ahaa Soomaalinimada oo qofkii afkiisa laga maqlo loo arkayo ruux ka fog runta oo aan war qabin.

Waxaa kale oo jirta in kuwa ka xishoonay qabiilka ay af-gabaabsi ka dhigteen goboleysi  ku taagan soohdimo qabiil oo uga muhiimsan midnimadii guud.  Sida laga hayo nin filsoofar ahaa oo la oran jiray Feredrij Niije (Friedrich Nietzche) ayaa hadalkaan yiri “Xasuustu waxay ii sheegaysaa inaa ficilkaan sameeyey, qabku ama qabkayguna wuxuu ii sheegayaa in aysan iga suurtagalin inaan falkaas ku kacay, aakhirka waxaa meesha ka baxa xasuusta”. Hadii aan sii macneyno hadalkaan, waxuu uga jeeda, markasta oo qof ku kaco ficil uu u arki jiray ama rumaysnaa inuu yahay wax xun, waxaa dhacda in markii uu dib isugu laabto oo uu xasuusto in uu sameeyey wax xun, in isla markiiba qabka ku jiraa qofku diidayo in uu waxaa u falay xun yahay; sidaas awgeed ayuu qofku ku adkeeystaa in uusan wax xun sameyn ama u cudurdaar u yeelaa falkiisa xun. Sidatan waxaan ugala jeedna in ay markii Soomaali ka daashay qabiilkii ay hada furantay adeegsi diineed oo salka ku haya badankiis qabiil ama lagu baratamayo goboleysi ku qotoma soohdimo qabiil ayado qabku diidayo in qabiil qaawan la adeegsado.

Ugu dambeyn waxaa dhacday in ay noqotay Dawlada Federaalka ee Ku-meelgaarka Soomaaliyeed mid aan wax wanaag ah aan soo kordhin sidii wadanka Jabuuti loogu soo askumay. Sida aan la wada socono dagaalkii waa sii balaartay, dhimashadii iyo qaxiina waa sii batay.

DFKMG waxay talaabadii ugu horeysay ka saartay meesha ciidamadii qaran ee isku-dhafnaa ee jiray labadii sano ee hore ayadoo la bilaabay ciidamo beeleed maleeshiya ah in dib loo abuuro.

Hantida yar  ee ka timaada  Dekeda iyo Garoonka diyaaradaha ee Muqdisho iyo mid deeqda ah ee laga soo baryey dibada ayaa noqotay mid dhowr qof oo ka tirsan madaxda xukuumado ay ku takrifalaan.

Waxaa dhaqan u noqday xukuumada DFKMG in golaheedu wasiiradu u midba sida uu rabo heshiis u saxiixo taaso keentay in ay heshiisyo is-khilaafsan soo kala galaan xubnaha wasiiradu iyo wasiirka kowaad. Arintaan oo ka tarjumaysa in uusan jirin nidaam dawli ah haba yaraatee.

Intaas waxaa u dheer arintii naxdinta ahayd ee DFKMG sida bareerka ah ugu dhaqaaqday in ay ka tanaasusho soohdimahii ama xaduudkii badda Soomaaliya ay la wadaagtay dawlada dariskeena ee Kenya isla markaasna ku dhaqaaqday in ay wareejiso oo sarifato dhul-badeed baaxad weyn ee Soomaaliyeed.

Waxaa kalo ayaandaro ah in afhayeenka Barlamaanka Federaalka ee KMG Soomaaliya uu ka dhigtay barlamaanka  makhaayad uu leeyahay oo xildhibaankii ka hadla maamul-xumada gudoonka si sharci daro ah loogu adeegsado xeer hoosaadka kadibna laga eryo xubinimadda. Waxaa hubaal ah in gudoonka barlmaanka Soomaaliya yahay mid aan horseedi karin hawl-fulinta looga baahanyahay xildhibaanada Barlamaanku in ay gutaan hawshooda dastuuriga ah ee sharci-dajinta iyo dhawrista danaha Soomaaliya.

 

 

Kooxda Danaha Soomaaliyeed

Walow ayaandaro ay tahay xogwaranka aanu kor kaga hadalnay, hadana waxaa nasiibwanaag ah in shacabka Soomaaliya badankood aysan raali ka ahayn sida weerarka loogu hayo midnimada, qaranimada, dawladnimada, diinta iyo dhaqanka Soomaaliya. Haddaba waxaa muhiim noqotay in la helo Gole xiriiriya kana tarjuma codka aqlabiyada dadka Soomaaliyeed ee jecel dhawritaanka danaha guud ee Soomaaliya. Sidaas awgeed waxaa shirar iyo wadatashi mudo dheer socday gudaha iyo dibada Soomaaliya ka dhashay in la abuuro magaca: Kooxda Danaha Soomaaliya  oo ah koox isku bahaysatay difaaca danaha guud ee Soomaaliya. KDS waa mid u furan qof walba oo Soomaaliyeed ee aaminsan aragtida iyo ujeedooyinka hoos ku qoran. Waxaa la isku raacay lana dhisay guddoon ku meel gaar ah ee hawsha KDS socodsiiya.

Aragtidu: waa in la helo qaran mideysan  iyo dawlad  Soomaaliyeed oo ku dhisan sinaan iyo cadaalad, ku dhaqanta diinta Islaamka, dhawrtana xaquuqda muwaadinka iyo nabad dadweynaha.

Ujeedada KDS waa sidatan:

1-       In la helo gole xiriiriya fikirka aqlabiyada dadweynaha Soomaaliya kana turjuma codkooda iyo caqligooda.

2-       In KDS u istaagto difaaca Danaha Guud ee Soomaaliya kuwaaso ah:

(i)                   Dhawrista iyo Ilaalinta Midnimada Soomaaliya

(ii)                 Ka hortaga bililiqaysiga kheyraadka biriga iyo badweynta Soomaaliya

(iii)                Ka hortaga heshiisyada sharci darrada ah ee lagu bedelayo  Soohdimaha badda Somaaliya

(iv)                Doonista iyo xoojinta Dawladinimada Soomaaliya

(v)                 Diifaaca Diinta Islaamka ee laga been abuurtay, sida khaldana loo adeegsaday

(vi)                Daryeelka & soo cerlintii Dhaqanka iyo Hidiihii wada noolasha ee dadweynaha Soomaaliyeed

3-       In la raadsho xal nabadeed waara kuna dhisan cadaalad.

4-       In si wada jir ah farta loogu fiiqo shakhsiyaadka, kooxaha iyo dawladaha hurinaya colaada.

5-       In si wada jir ah oo ka baxsan nin-jeclaysi iyo qabiilaysi looga shaqeeyo sidii sharciga loo horkeeni lahaa dadka ama kooxaha dambiyada ka galay shacbiga iyo qaranka Soomaaliyeed.

 

KDS waxay ugu baaqaysaa barlamaanka Soomaaliya inay gutaan howshooda dastuuriga ah ee ay kutubka gacanta u saareen ee ah in ay dhawraan danta qaranka Soomaaliyeed.

KDS waxay ugu baaqaysaa AMISOM in ay sugto nabada xaruun ay xubnaha barlamaanku ku gutaan hawshooda si xukuumada jahada wareersan ee kala dhantaalan loola xisaabtamo.

KDS waxay xasuusinaysa ciidamada AMISOM in madaafiicda loo adeegsado xaafadaha dhexdooda iyo degaanada shacabku  ay lid ku tahay dhawrista xaquuqul isaanka.

KDS waxay dhaliicaysay kooxaha magaca diinta u adeegsada ismidaanaynta iyo dilka dhuumaalaysiga.

KDS waxay ugu baaqaysaa dhinacyada dagaalka wada in ay nabad ku xaliyaan khilaafkooda.

KDS waxay ugu hambalyeeysay dadweynaha ku nool  Somaliland iyo Puntland nabada iyo maamulada ay dhisteen.  Isla markaasna waxay uga digeysaa in aysan noqon kuwo loo adeegsadaa dano shisheeye, kooxeed ama shakhsi taaso lid ku ahaan karta midnimada Soomaaliya.

KDS waxay uga digeysaa dadweynaha Soomaaliyeed in wadajirkooda aysan ka tarjumin dad, koox, maamul iyo dawlado dan gaar ah wata.

KDS waxay ugu boorinaysaa suxufiyiinta iyo warbaahinta Soomaaliyeed in ay ka shaqeeyaan wanaaga kana foogaadan wax kasta oo colaad ka abuuri kara shacabka dhexdiisa.

KDS waxay ugu baaqaysaa dhamaan:  waxgaradka, culumaa’udiinka , aqoonyahanada, ganacsatada, abwaanada iyo fanaaniinta Soomaaliyeed in ay u hawlagalaan hanuunita iyo wacyigalinta shacabka Soomaaliya si loo helo ummad wanaaga ku mideysan.  

Ugu dambeyn waxaan dadweynaha Soomaaliyeed ugu baaqeyna in ay golahaan ka qaataan qaybtooda si loo badabaadsho dalkooda,  dadkooda iyo aayaha ubadkooda.

Wa bilaahi Tawfiiq

Gudoonka Kooxda Danaha Soomaaliyeed                                                                                       

Xaruumaha:  Nairobi, London, & Boston                                                                                           danahasoomaaliya@yahoo.com

 

Related Items


Leave a comment