Roobab kada'ay qardho oo khasaarooyin gaystay

Saturday May 08, 2010 - 15:48:15
0 Comments
3509
Super Admin
sida ay nagu soo gaarayaan wararka ka imanaya magaalada qardho ee xarunta gobolka karkaar ayaa sheegaya in halkaasi uu shalay ilaa iyo xalay ka da ayay roob mahiigaan ah oo siweyn uu biyo u dhigay magaalada islamarkaana uu gaystay khasaare nafeed iyo hanti

Waxaa sida ay noo xaqiijiyeen wariye yaashayada magaalada Qardho xarunta gobolka Karkaar roobabkaasi ay sababeen khasaare ay ku jiraan dhimashada 2 haween ah oo sida la sheegay da’ ahaa islamarkaana degenaa xaafada ka mid ah Magaaladaasi sida Xaafada shimbiraale ee deg Qardho

Sidoo kale waxaa dhaawacyo soo gaaray dad kale oo iyagu jajab lugaha ah soo gaaray sida ay xaqiijiyeen dad iyagu ku sugan xaafadaha ay ka Qardho, waxaana saaka Magaalada dhex jiifa biyo aad u farabadan oo uu dhigay Roobkii xalay ilaa shalay da’ayay .

Toga weyn ee magaalada Qardho ayaa isagana waxaa uu keenay Biyo aad u badan oo soo rogmaday iyadoo sidoo kale laga soo sheegayo deegaanada Miyga ah ee gobolka Karkar ay ka de’een roobab ceynkaas ah .

Si kastaba ha ahaatee marka laga soot ago khasaaraha nafeed oo uu geystay Roobkan ayaa hadana waxaa jira khasaare kale oo soo gaaray guryaha qaar ee magaalada Qardho siiba kuwa ay degenyihiin dadka iyagu tabaaleysan ama ku soobarakacay magaalada Qardho.

Ugu dambeyntii waxaa roobabkan oo ka mid ah kuwii guga ayaa waxay ku soo aadayaan xili lagu jiro xagaaga Ama kuleylihii ka dhici jiray magaalada Boosaaso ee gobolka bari, waxaana xiliyadan oo kale degmada Qardho u barakaca dadyowgii degenaa magaalo ganacsiga Puntland Boosaaso iyagoo halkaasi u tagaya sidii ay uga bixilahaayen kulka ka dhaca Magaalada Boosaaso.

c/laahi axmed aaden

Related Items


Leave a comment