Kulan Dhexmaray Madaxweyne Shariif iyo Raysalwasaare Sharmake

Thursday May 20, 2010 - 12:50:17
0 Comments
3341
Super Admin
Waxaa fashil ku dhamaaday kulan ay xalay ku yeesheen Madaxtooyada Soomaaliya Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Ra'iisul wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharma'arke oo dhawaan diiday in xilka laga qaaday.
Kulankan oo ayaa waxaa Ra'iisul Wasaaraha ku wehliyay Saddexdiisa ku xigeen iyo Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta ayaa socday muddo saacado ah, waxaana looga dooday xil ka qaadista uu Madaxweynuhu ku sameeyay Ra'iisul wasaaraha.

Ilo wareedyo kulankaas ku dhawaa ayaa sheegaya in Ra'iisul wasaare Cumar C/rashiid uu ku adkeysatay inuu yahay Ra'iisul wasaaraha sharciga ah ee dalka, halka Madaxweyne Sheekh Shariif uu isaguna sheegay inuu soo magacaabayo Ra'iisul wasaare cusub.

Doodda oo dheereyd awgeed ayaa la sheegay in labada mas'uul ay kala kaceen, iyadoo kulanka ay gobjoog ka ahaayeen xubno ka socday beesha caalamka inkastoo aan la sheegin dalalka ay u kala dhasheen.

Khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Madaxweyne Sheekh Shariif iyo Ra'iisul wasaare Cumar C/rashiid ayaa gaaray heer aad u sarreeya, wuxuuna daba socdaa khilaaf u dhexeeyay baarlamaanka oo ugu dambeyn uu xilka uga tagay Sheekh Aadan Madoobe.

Warar aan la hubin ayaa sheegaya in Ra'iisul wasaare Sharma'arke ay beesha calaamka ku qancisay inuu xilka iska casilo, uuna taas aqbalay, iyadoo aan la ogeyn xilliga uu ku dhawaaqayo iscasilaaddiisa.

Related Items


Leave a comment