Jaaliyada UK oo caawa si weyn ugu dabbaaldegtey 1-da Lulyo 2010

Thursday July 01, 2010 - 07:50:09
0 Comments
3172
Super Admin
Xafiiska wakiilka Jaaliyada Dowlada Soomaaliya UK ayaa xaflada sanadguuradii 50-naad ee Calansaarka dalka Soomaaliya ku qabtey magaalada London

Xaflad si weyn loo agaasimay oo lagu xusayay calansaarkii iyo maalintii xoriyada dalka Soomaaliya oo caawa taariikhdu tahay 30/06/2010 soona galaysa 1da Luulyo ayaa lagu qabtey Hall-ka Friends House oo ku yaal xaafada Euston ee magaalada London.

Xafladatan waxaa soo qabanqaabiyay xafiiska wakiilka Dowlada Soomaaliya ee UK iyo muwaadiin Soomaaliyeed oo degan magaalada London qaybaheeda kale duwan, islamarkaana waxaa ka soo qayb galay ergooyin ka kale socday jaaliyadaha Soomaaliyeed ee degan magaalooyinka Bermingham, Bristol , Leicester, Coventry iyo Manchester iyo jaaliyada Soomaalida magaalada London degan oo si weyn uga soo qayb galay munaasabada weynaynta maalinta xoriyada iyo calansaarka dalka Soomaaliya oo maanta 50 sanno jirsadey.

Munasaabadan qiimaha badan waxaa kale ka soo qaybgalay marti sharaf kale oo lagu martiqaaday xaflada kuwaasoo kale ahaa masuuliyiin ka socday Wasaarada Arimaha Dibadda  iyo Home Office dalka Britain, Safaaradaha Mareykanka (USA ) Yemen, Kuwait, Algeria iyo Wakiilka Jaamacadda Carabta u fadhiya magaalada London iyo marti sharaf kale oo isugu jirey kuwa degan magaalada London iyo saxaafada.

Ugu horeyntiina waxaa ka hadlay Gudoomiyaha Xafiiska Wakiilka  Jaaliyadda Dowlada Soomaaliya u fadhiya dalka Britain mudane C/qaadir Aden Ali ‘’ Dhuub’’  kaasoo dadka ka soo qayb galay munasaabadaan qiimaha badan ugu hambalyeey ka soo qayb galka ay ka soo qayb galeen  habeenka farxada badan islamarkaana taariikhda leh ee aan caawa ugu dabaaldagayno  caleemo saarkii calankeena .

Mudane Dhuub ayaa aad uga mahadceliyay marti sharafka kale soo qayb galay munaasabadatan, islamarkaana ummada Soomaaliyeed Allah uga baryay inuu dhibaatada ka kor qaado haysata 20 sanadood, kadibna waxaa halkaasi ka hadlay mudane Cabdi Cumar oo faahfaahin yar ka bixiyay shaqada xafiiska jaaliyada iyo sida loogu baahan yahay in dhamaan dadka Soomaaliyeed gacan uga siin lahaayeen wajibaadka qaran ay hayaan.

Safiirka dalka YEMEN ayaa halkaasi qudbad kooban ka jeediyay islamarkaana sheegay in loo baahan yahay in dadka Soomaaliyeed ka shaqeeyaan sidii ay sharaftooda iyo karaamadii ay ku dhaxlahaayeen bulshada caalamka u soo ceshan lahaayeen, waxaana isagoo ku hadlaya magaca dowlada iyo shacabka dalkiisa hambalyo u direy dhamaan shacabka Soomaaliyeed meel kasto oo ay joogaan.

Xaflada waxaa ka hadlay ergooyinkii ka socday magaalooyinka kale duwan ee ka soo qayb galay , odayaasha,haweenka, dhalinyarada, aqoonyahanada magaalada London, kuwasoo dhamaantood sheegay inay  aad ugu faraxsan yihiin inay caawa u dabaaldagaan xaflada caleemo saarka maalintii Soomaaliya yeelatey dal iyo cal xor oo la aqoonsan yahay.

Waxaa iyana meesha ka hadlay xildhibaano iyo Wasiiro  ka tirsan dowlada Soomaaliya, Xildhibaan C/qaadir Shido iyo  Wasiir Hassan Macalin,kuwaasoo jaaliyada Soomaaliyeed la qaybsanaayay farxada iyo  shucuurta wadaniyadeed ee ka muuqatey meesha.

Fanaaniinta Soomaaliyeed qaar ka tirsan ayaa yimid goobta si ay uga qayb qaataan munaasabada 50 guuradii caleemosaarka dalka Soomaaliya, kuwasoo meesha ka muujiyay kaalintoodii wadaninimo inkastoo aad moodo fanaaniinta Soomaaliyeed  inay kaalintii wadanimo badankood ay ku badasheen beeso iyo wax caloosha loo galiyo hadane weli waxaa jira kuwo weli ay ku jirto damiirkii Soomaalinimo, kuwasoo mudan in aan ku amaano waayo waajib qof kasta ka saaran inuu wadaniyadiisa ku xirin shuruud.

Xaflada intii ay socotey ayaa laga soo jeediyay gabayo, shirib iyo heeso islamarkaana waxaa loo wada istaagay saacadu markay ahayd 10:00 habeenimo waqtigaas oo dalka Soomaaliya u ahayd 12:00 pm in calanka Dalka Soomaaliya laga suro goobta xaflada ka dhacaysay iyadoo dadkana ay sare u wada kaceen iyadoo meeshii oo dhana ay ka muuqatey shucuur wadanimo iyo mid calanka lagu weynaynaayo, kadibna ilaa wax ka dhaw 20 daqiiqo dadka oo dhan waxay si qiiro leh u qaadayeen heesta Calanka iyo Soomaaliya toosoow.

Waxaa xusid mudan xafladatan dadka ka soo qayb galay iyado maalin shaqo tahay inay ku labisnaayeen dadka intiiisa badan haween iyo ragba leh, caruur iyo ciroole astaamaha calanka Soomaaliya oo aad u qurux badnaa. Xafladiina waxay ku gabagaboowday farxad iyo damashaad weyn.

Soomaaliya Hanoolaato, waa in qof walbo u istaagaa sidii Calanka quruxda badan qiimihiisii dib loogu soo celin lahaa dadka Soomaaliyeedna waa inay dib uga fekeraan  dalkooda iyo dadkooda sidii loogu heli lahaa nabadgalyo iyo barwaaqo insha Allah qabiilkana qurunkana looga bixi lahaa.

Sawiradam quruxda badan waxaa gacan iga siiyay mahadi ha ka gaartee Danjire Mohamed Ahmed Caalim

Halkaan kadaawo sawirada oo dhan


W/D:Yusuf Yusuf

mrsomalia@hotmail.com

London

Related Items


Leave a comment