Raiisul wasaaraha DFKM Dr.Cumar C/rashiid oo shaaciyey golahiisa wasiirada cusub

Saturday July 03, 2010 - 21:08:18
0 Comments
4414
Super Admin
Raiisul wasaaraha DFKM Dr.Cumar C/rashiid Cali Sharmaake ayaa waxaa uu maanta si rasmi ah u shaaciyey golahiisa wasiirada ee cusub ka dib markii tashi uu la sameeyey Madaxweynaha DFKM Sh Shariif uu ansixiyey sida uu saxaafada u akhriyey Afhayeenka DFKM Cumar C/rashiid C/qaadir Walaayo waxaana uu u qornaa liiska Wasiirada sida hoos ku qoran.
1-R/wasaare ku xigeen ahna Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Sh Aadan Maxamed Nuur (Madooobe). 2-R/wasaare ku xigeen ahna wasiirka kalluumeysiga iyo kheraadka badda. C/raxmaan Xaaji Aadan Ibraahin (Ibbi). 3-R/wasaare ku xigeenka wasaaradda gaadiidka cirka iyo dhulka. C/waaxid Cilmi Goonjeex. 4-Wasaaradda Garsoorka iyo caddaaladda. C/kariim Axmed Cali. 5-Wasaaradda arrimaha dibadda Yuusuf Xasan Ibraahin dheeg. 6-Wasaaradda Arrimaha Gudaha Sh. C/qaadir Cali Cumar. 7-Wasaaradda Gaashaandhigga Abuukar Cabdi Cismaan Mardaadi. 8-Wasaaradda Amniga Qaranka Axmed C/salaam Xaaji Aadan. 9-Wasaaradda qorsheynta iyo iskaashiga Caalamiga ah, Mustaf Sh Cali dhuxuloow. 10-Wasaaradda Maaliyadda Xuseen Cabdi Xalane. 11-Wasaaradda Haweenka iyo Qoyska Fowsiyo Maxamed Sheekh. 12-Wasaaradda xanaanada Xoolaha C/casiis Lafta Gareen. 13-Wasaaradda dastuurka iyo Federaalka Madoobe Nuunoow. 14-Wasaaradda beeraha Maxamed Ibrqaahin Xaabsade. 15-Wasaaradda hantida qaranka iyo qalabeynta Maxamed Mursal. 16-Wasaaradda hidaha iyo tacliinta sare Cali Axmed (Jingili). 17-Wasaaradda dhaqan celinta iyo arrimaha bulshada. Prof. Maxamed cumar Dalxa. 18-Wasaaradda Gargaarka aadamiga. Maxamud Cabdi Ibraahin (Garweyne). 19-Wasaaradda warfaafinta. C/raxmaan Cumar Cismaan (Yariisoow). 20-Wasaaradda Cilmi barista iyo technology-yada Maxamed Cali Xagaa. 21-Wasaaradda Macdanta iyo biyaha Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid. 22-Wasaaradda dib-u-dhiska Xuseen Ceelaabe faahiye. 23-Wasaaradda dalxiiska iyo duur joogta C/laahi Yuusuf Cigaal. 24-Wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha maxamed cabdi Xayir Maareeye. 25-Wasaaradda Caafimaadka. Maxamuud Jirde Xuseen. 26-Wasaaradda tamarta iyo shidaalka C/raxmaan Jaamac. 27-Wasaaradda Boostda iyo isgaarsiinta C/risaaq jurille. 28-Wasaaradda jaaliydaha C/laahi Axmed c/lle Azhari. 29-Wasaaradda ganacsiga C/rashiid Maxamed Cirro. 30-Wasaaradda howlaha guud iyo guryeynta Yuusuf Geelle Ugaas. 31-Wasaaradda warshadaha C/lla Boos Axmed. 32-Wasaaradda Bay’ada iyo dhirta Burci Maxamed Xamza. 33-Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ispoortiga Qadiijo maxamed diiriye. 34-Wasaaradda Hormarinta reer Miyiga. Maxamed Cabdi Yuusuf. 35-Wasaaradda waxbarashda iyo barbaarinta C/nuur Macalin Maxamuud. 36-Wasaaradda Owqaafta iyo arrimaha diinta Sh Nuur Cali Aadan. 37-Wasaaradda dib-u-heshiisiinta Xuseen Warsame samatar. 38-Wasaaradda Lacagta C/laahi Maxamed cali (sanbaloolshe). 39-Wasaaradda hub ka dhigista iyo jiheynta maleeshiyaadka Cumar cali Rooble. Waxaa liiska wasiirada ka baxay rag ay aad iskugu dhawaayeen Madaxweynaha DFKM Sh Shariif Sh Ahmed waxaana ka mid ah Dr. Daahir Geele o ahaa wasiirka warfaafinta iyo Sh C/raxmaan Janaqow oo ahaa wasiirka Cadaalada iyo garsoorka

Related Items


Leave a comment