ASBAABAHA KEENA IN AY UMMADI HORMARTO

Saturday September 18, 2010 - 04:36:46
0 Comments
4647
Super Admin
Ilaahay mabadalo ummad ilaa ayagu ay naftooda ay is-badal ku sameeyaan”

Waxaan jeclahay maqaalkaan kooban inaan kaga hadlo arrimo ku saabsan hormarka ay gaaraan ummad, waxaa laga yaabaa inaan u raacin qaabka dadka hadda isku hoowla xagga hormarka ay waxa oga qoraan, waxaan oga hadli doonaa qaabkaa ka duwan oo aan ula jeedo baraarujin  ku socota beesha aan ka soo jeedo, waana   dheemistir maqaal hore oo aan qoray kaas oo qeexayey dhaliilaha beesha iyo heerka ay ku suganyihiin deegaanadda ay hadda degaan. Waa waajib ina wada saran in aan ka fakarno masiirka dhalinta soo koreysa ee beesha, waxaa ka mid ahaa su’aalo baddan oo aan rajeenayay in aan ku abuuray Jawi dhiiri galin ah, waxaan rajeeynayaa in ilaahay uu inawaafijiyo kheyrka naguna hanuunsho hormarka. Walaalayaal aan ka fakarno jiilka soo koraya iyo doorka ay ku yeelan karaan wadan uu qabiilka halbeeg u yahay. Waxaan u rajeeynayaa beel weynta Yusuf Daarood oo aa aniga ogu horeeyo in aan la nimaano Asbaabaha Horumarka aan halkaan ka sheegi doono.

Waa Maxay Hormar?

Waxaa jira qeexitaano aad u tiraban marka laga hadlayo hormar, laakin kan ugu muhiimsan lana xariira dadka aan maqaalkaan ugu talagay waa sidaan hoos ku xusan:

“Hormar waxaa lagu qeexaa dadka degaanka in ay maamulaan noolashooda iyagoo soo bandhigaya rabitaankooda, raadinayana xalkooda(danahooda) si ay u gaaraan hormarka ay higsanayaan oo dhinac walba leh”

Tiirarka Hormarka:

Mar hadaan ku qeexnay in ummadu ay iyaga aayahooda ka talinayaa oo uu hormarka gacantooda ku jiro maxaa looga baahanyahay in ay la yimaadaan? Waxaa looga baahanyahay in la yimaadaan arimahan hoos ku xusan.

¨      Daacadnimo:

Waxaa lagama maarrmaan ah in ay layimaadaan daacadnimo dhab ah oo ku qotanta in ay isu sheegaan wanaaga ayna iska reebaan xumaanta, isu kaalmeestaan kheyrka iska kaashadaan kana hortagga xummaha, waa arrimaha ay ina fareyso diinteena wanaagsan, marka waa qodab asaasi ah marka laga hadlayo hormarka in ummadaas ay la yimaadaan daacadnimo.

¨      Isku duubni:

Qodabka kale oo isaguna sababaha u ah in ay ummadi hormarto waxaa kamid ah isku duubnida:- soomaali waxa ay ku maahmaadaa Iskaashato ma kufto, waana erayga dhabta ah ee u dhigma isku duubnida, waxaan oran karaa  iskaashiga waxaa uu astaan u yahay tubta hormarka, inta badan ummadaha hormaray oo maanta caalamku higsado waxa ay ku gaareen isku duubni taas  oo aad ka dareemi kartaan in maanta dunida reer galbeedka ay rabaan in ay noqdaan hal dal, waxaa ay arkeen ayna dhadhansheyn macaanka iskaashiga uu leeyahay iyagoo haatan bilaabay goosiga miraha ay ka dhaxleen iksu duubnidda. Walaalyaaal “Fari kaligeed fool madhaqdo” qofkaligiis hormar magaaro, waa arrin aanu wada ognahay oo hadda wadciga soomaaliya ka jira aan ka dheehan karno marka ay timaado in la xisaabtamo. Aan isku duubnaano macnaheedu waa aan hormarno

¨      Wadatashi:

Waxaa kaloo laga maarmaan u ah si hormar lo gaaro in lawada tashado, maadaama aan ka hadleyno masiir ummadeed waa inaan marwalba go’aanada aan ku saleynaa wadatashi oo ku qotama xeerinta maslaxada beesha, taasi waxaan ula jeedaa hadaan sii faahfaahsho, hadii loo baahdo in lagaaro go’aan ay beesha leedahay ilaa xad in la raadsho go’aan lagu mideysanyahay, waa sunno rabaani ah in dhamaan dadka ay khuseyso arinta aysan go’aanka kuwada qanceyn, laakin waxaan is leeyahay haduu yahay maslaxad waa in ay u arkaan hormar, si marka ay iyaga laftoodu u fahmaan waa in ay hufnaan ku jirto go’aankastoo masiirkooda ka talinayo.

¨      Isu Tanaasul:

Waxaan wada ognahay in wadankeenu uu ladagi la’yahay isu tanaasul la’aan ka dhaxjirta beelaha wada daga soomaaliya, waad ogtihiin in shirar loo qabtay soomaalida, marka waa musiibo ku habsatay guud ahaan wadanka, laakiin waxaad moodaa marka laga soo tago wadanka in annaga si gaar ah ay inoo saameysay isu tanaasul la’aanta,  waxaa laga yaabaa in qofwalba oo magac kuleh beesha uu qumanihiisa qoorta ugu jiro, aysan jirin isu tanaasul. Waxaan leeyahy yaanan hormar lagu fakarin inta aanan la isu tanaasuleyn, waxaa taa tusaale u ah wadankeena, waxaa kaloo ku dhow wadciga  aan ku suganahay beel ahaan.

Marka waa qodab asaasi ah marka laga hadleyo hormar, waa in loo tanaasulaa maslaxadda si loo badbaadsho masiirka beesha.

Gunaanad:

Waxaan Isleeyahay hadaan ku shaqeyno tiirarkan aan kor ku soo sheegnay in aan gaarikarno hormar aan higsaneyno, waxaa rajeynayaa in aan ka faa’ideysano oo ilaahay in waafujiyo tubta hormarka. Waxaan u mahadcelinayaa walaala qoraalkan kooban ka qyb qaatay Burhaan Aadan Xiir iyo Ismaaciil Aadan Ismaaciil, oo waqtigooga qaaliga ah ku tabarucay in ay soo saxaan waxna ku daraan kana badalaan, waxaan leeyahay ilaahay ha idinka abaalmariyo.

waxaan kaloo u mahad celinayaa mahad aan la soo koobi karin Dhalinyarada.

webka Xaarxaar Online oo runtii isi saaray masuuliyad adag  waxaan leenahay walalo yaal ilahay garabkiina ha galo hana ka daalina danta guud.

Ugudanbeyn waxaan urajeynayaa beel weynta Yusuf Daarood Hormar, Baraaro & Barwaaqo.


Prof. Abdirahman Mohamud Abdulle

Vice President Puntland State University

 Garowe, Puntland Somalia

 Email: jaabir19@hotmail.com

Related Items


Leave a comment