Qiyaastii 2.2 Milyan oo qof (Laba milyan iyo laba boqol oo kun) ayaa codadkooda horey u soo dhiibtey, waana codadkii ugu badnaa ee abid la dhiibto ka hor maalinta doorashada.
Labada xisbi ee u weyn dalka Sweden hoggaamiyaashooda ayaa mid kamid ah noqon doonaa Raysalwasaaraha cusub ee dalka Sweden marka ay soo baxdo natiijadu, Labada xisbi ee u weyn ayaa kala ah Social Democrats oo ay hoggaamiso gabadha la yiraahdo Mona Sahlin, iyo Modaratana oo ah xisbi conserfative ah, waxaana hoggaamiya Raysalwasaaraha xiligan Fredrik Reinfeldt.
Xisbiyada dalka Sweden ayaa noqdey kuwo isbahaystey, waxaana xisbiyada dhanka bidixda u badan hoggaamineysa Mona Sahlin, halka Xisbiyada bartamaha iyo midigta raacsan uu hoggaaminaayo Fredrik Reinfeldt, saadaal la sameeyey ayaa muujineysa sida ay isugu dhawyihiin labada isbahaysi.
Doorashada Baarlamaanka ayaa waxaa sanadkan u sharaxan oo ka qaybqaadanaya dad asalkoodu uu Soomaali kasoojeedo, kuwaas oo qaatey dhalashada dalka Sweden muddo dheerna deganaa Sweden.
Dhanka kale waxaa isla maanta la dooranayaa goloyaasha deegaanka ama degmooyinka dalka Sweden, doorashada goloyaasha deegaanku uma baahna in aad leedahay dhalashada dalka Sweden waxa keliya ee lagaa doonayaa waa in aad haysataa deganaano dalka Sweden ah. Waxaa u sharaxan Soomaali badan in ay soo galaan goloyaasha deegaanada, inkasta oo qawmiyadda asalkeedu Soomaalida yahay lagu tilmaamey kuwo aan ka qaybqaadan doorashooyinka dalka Sweden.
Dalka Swden ayaa ku yaala Waqooyiga Yurub, waxaa degan qiyaastii dad gaaraya 9 Milyan oo qof, nidaamka dalka ka jiraa waa Monarchy ama Boqortooyo, waxaana fulinta hawlaha dawladda u xilsaaran Raysalwasaare la soo doortey.
Dalka Sweden ayaa iska leh taariikh aad u fog, waxaa lagu tilmaamaa in uu yahay dal aan weligiis la gumeysan oo xor ahaa, sidoo kale waa dal si wanaagsan uga hormarsan dhanka wershadaha qaarkood.
Wixii war ah oo ka soo kordha kala xariir Isha wararka
XaarxaarOnline
Leave a comment