Waxaan ognahay Shey walba waxaa asal u ah Productska ay heysto, Qowmiyad walibana halbowlaheedu waa Dhalinyarada, Gabaygaan waxa uu Shiikhu kula hadlayay allaha u naxariistee Urur dhalinyaro ah oo ka abuurmay degmada burtinle asaga oo tolka intiisa kalena ugu yeerahaya inay Dhalinyarada fikirka ay wataan ku raacaan, Taageero maadi iyo caqli ahna lagu daro.
Gabaygaan wuxuu soo baxay 8 August 2004 Waxaana Tiriyaya Alle Raxmadiisii haka waraabshee Sh. Axmed Ducaale C/lle asaga oo jooga Magaalada Burtinle
Gabaygu wuxuuku bilaabmahayaa sidatan
1. Tilmaan gaaban ban awrablow idin tusaalayene
2. Taariikhda waxa soo maraa laga tixraacaaye
3. Tayo iyo tirays biirsadaa tiirka nololeeda
4. Is texgelinta iyo wada jirkaa lagu tanaadaaye
5. Isku tiirsi beeshaan lahayn way tirtirantaaye
6. Towfiiq haddaad weydo waa talo habawdaaye
7. Toobiyaha bannaan iyo marbaad tubaha seegtaaye
8. Oo aad taraadhaa qarfiyo tuuuro qodaxleeye
9. Tafaraaruq reerkuu galena waa tabtoo kale e
10. Tuducyada is haystay xadhkuhu tabar ku yeeshaane
11. Turuqa iyo xooggoodu waa tidic loo yeelay
12. Hadday dhudiba keli taagantahay waa tif oo kale e
13. Idinkuna haddad kala tagtaan licday tabartiinnuye
14. Is tafniidintiiniyo is naco waa tagbiir xumo e
15. Toolmoonidiin waa intaad talo wadaagtaane
16. Tabcaa lagula heli maalintaad kala tagtaanniine
17. Ka tirtira xumaantoo qalbiga samaha taageera
18. Tayo iyo wanaag ma leh afkoo la isku tuuraaye
19. Waxa inagu toobbooni waa in aan tolownaaye
20. Tabashadiyo eedaha ka taga waa wax kuma taale
21. Ha laysaga tanaasulu wax badan tiigashada daaya
22. Ehelnimada taag wayday ee ciidda lagu tuuray
23. Oo turunturootoo naflaha tiigsan kari weyday
24. Tallankeennu waa inuu noqdaa kor isu taageeda
25. Tartarrada waxay rabtaa taakuliyo xooge
26. Tiirar adag ku qaadoo marnaba hagari yay taaban
27. Dhinacayada ka taagnaada oo horror ka tuuryeeya
28. Hawshii tol riixaa dhaqsay taam u noqotaaye
29. Tudciyoo horuu wada nur bay tegen inshaaleeye
30. Tawstuu kugu arkuu aadanahu kugu tusmeeyaaye
31. Waxay tawlanaan iyo hufnaan nagu tilmaamaanba
32. Ceebta talla maantaa faraha nalagu taagtaagay
33. Tobonkaan sanaan sharaf dhacnaye talo ha loo laabto
34. Tixyarbaan rabaa in bahay idin tusaaleeyo
35. Innagoo tisownoo khilaaf ina tahluukeeyey
36. Oo wada jirkii laga tegoo tobanba meel aaday
37. Dhallinyaro tawaawacu dhibaa sama ku towfiiqay
38. Hakay taallo goortay arkeen talada reer yuusuf
39. U tafaxayte inay toosiyaan beeshooda taladeeda
40. Waxay tabari noqotaba horaa loo tillaabsadaye
41. Idinkuna la tabantaabin iyo taakulo ogaada
42. Fakar xumida teennaa caqliga towsta wada yeeshay
43. Sama inay tusaan bay rabaan una tilmaamaane
44. Turxaan bixn la mahadshay wadaan taabba gelinteeda
45. Idinkuna la tabantaabini iyo taakulo ogaada
46. Tolnimiyo is raac bay rabaan inay tallaalaane
47. Sharafkii tarraray by wadaan inay tolmeeyaane
48. Waxay tiigsanayaani waa inaan tanaadnaaye
49. Idinkuna la tabantaabin iyo taakulo ogaada
50. Talo xumo waxay bi’say waa wada tebeynaaye
51. Ku taamay midnimadeennu waa talada koowaade
52. Taakuleeya ururkoo bahey yaan la kala tuurin
53. Oo yaan takhaantakho qarsoon lagu tabaalaynin
54. Taageera hawshay wadaan waa tolnimadiiye
55. Higsaday tiriigay shideen waa tolnimadiiye
56. Tilmaantay baxshaan wada aqbala waa tolnimadiiye
57. Oo yaan takhaantakho qasoon lagu tabaalaynin
58. Taladooda yaan laga shikiyin waa tolnimadiiye
59. Ha tuhmina tubtaan ay hayaan waa tolnimmadiiye
60. Tiirkay mudaan wada cuskada waa tolnimdiiye
61. Oo yaan takhaantakho qasoon lagu tabaalaynin
62. Tashigoodu waa guul xaq baa lagu tiraabaaye
63. Tiir jabay ha noqonin runbaad wada tilmaanteene
64. Taladiinna eebbow ka yeel tii lawada qaato
65. Tolka dhega nugayliyo ka hela taakuliyo xoojin
66. Meeshii tigaad laa nafluhu soo tamadiyaaye
67. Sahankiinu uma tago abaar lagu tahluukoobay
68. Beeshaad tiicinaysaan ku fura togag barwaaqoobay
69. Tillabada haboon iyo waqiin libin ku taagnaada
Shucayb Ahmed
Xafiiska Xaarxaar Online
Boosaaso, P/land
Leave a comment