Marwo Xaawo Taako oo dalka Czech Republic uga soo qayb gashey shirka Haweenka Kubadda Koleyga Aduunka.

Tuesday October 19, 2010 - 10:04:59
1 Comments
8659
Super Admin

Waxaa dalka Czech Republic lagu soo gabagabeeyay todobaadkii lasoo dhaafey shirkii ugu horeeyay ay yeeshaan Haweenka Kubadda Koleyga Aduunka, waxaana shirkaasi soo qaban qaabiyay ururweynaha Kubadda Koleyga ee aduunka (FIBA),islamarkaana waxaa ka soo qayb galey 150 Dowladood, dalkeena Soomaaliya waxaa uga qayb galey oo mataleyay Xiriirka Kubadda Koleyga Soomaaliya marwo Xaawo Sheikh‘’Xaawo Taako’’ ku magac dheer, Xaawo Taako waxay ka soo mid ahaan jirtey ciyaartooydii kooxda Kubadda Koleyga Jeenyo LLPP ee Wasaarada Howlaha Guud iyo Guriyeynta.


Muhiimada shirkan waxaa si weyan looga falanqeeyaydoorka dumarkaIsboortigaay ka qaadan karaansida FIBA iyo iney dumarkanoqon karaan macalimiin, garsooreyaal, islamarkaanaay hogaamin
karaan isboortiga, waxaana si gaar ah looga hadalayey in ay dumarka ciyaaro la gaarsiyo kubadda koleyga
gabhaha 32% halka wiilashana68%, ciyaartooyda ka yar da’da 18 —kana (under 18) la gaarsiyo
gabdhaha 27% wiilashana 73%.

Tirakoobkala sameeyay dumarka ciyaara Kubadda Koleyga Yurub waxay noqdeen sidatan:

  • Ruussia 205.000,
  • France 430.000
  • Italy171.000
  • Czech 37.000
  • Hunger27.000
  • Spain 48.000
  • Poland56.000.

Marwo Xaawo Taako oo aan kula hadley telefoon markii ay ka timid shirkaan ayay iisheegtey inay aad ugu faraxsan tahay inay ka soo qayb gasho shirka Haweenka Kubadda Koleyga Aduunka iyadoo mataleysahaweenka Kubadda Koleygadalka Soomaaliya, islamarkaana uu guul ugu soo dhamaadey shirkii, waxaan si gooni goni ah ula kulmeyPresident of FIBAMr.Mainini oo si xiiso leh uga wada shekaysanay xaaladaSoomaaliya. IyoFIBA Secretarygeneral Mr patrick Baumann oo si waangsan igu qadariyay inaan ka soo qayb galay shirkan anoo matalaayo haweenka Isboortiga dalka Soomaaliya.

Gabagabadii shirka Haweenka Isboortiga Kubadda Koleyga Aduunka waxay kaloo lagu casumayinay daawadaan ergooyinka dalalka ka soo qayb galey koobka kubada Koleygagabdhaha Aduunka oo ka socdey isna dalka Czech Republic.

Marwo XAAWO TAAKOdadkii ay la kulantey dhamaantood si wanaagsaniskugu soo barteen intii u socdey shirkaan ayaa sawiro xusuus leh isaga soo qaadaysida :
President FIBAAmericsMs. Horacio Muratore ,President and Secrtary General Canada Mrs Maureen Orchard, FIBA Commissioner International and Chairman ofEngland Basketball Ms Alison Muir, Deputy Executive Director Philippines MRBernardo Atienza.



W/D: Yusuf Yusuf~Sports Editor of SSPAMEDIA

mrsomalia@hotmail.com

LONDON

Related Items

Comments


Leave a comment