Shariif Xasan oo looga yeeray magaaladda Addis Ababa iyo Shariif Xasan oo diiday (Xog Hoose)

Friday October 29, 2010 - 22:04:40
0 Comments
2576
Super Admin
Gudoomiyaha baarlamaanka dowladda kmg ee Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ku kacsan madaxweynaha dowladda kmg ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa waxaa looga yeeray magaaladda Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Dowladda Itoobiya ayaa u yeertay gudoomiyaha baarlamaanka dowladda kmg ee Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan, hase ahaatee Shariif Xasan ayaa taasi ka biyo diiday, isagoo sheegay in uusan magaaladda Muqdisho meelna uga baxeen.

Sababaha ay dowladda Itoobiya ugu yeertay Shariif Xasan ayaan cadeyn, balse waxaa loo-maleynaayaa oo kaliya in ay dooneyso in ay kala hadasho khilaafaadka xargaha goystay ee soo kala dhex galay isaga iyo madaxweyne Shariif Sheekh Axmed.

Xubnaha baarlamaanka oo si weyn u aaminsan dowladda Itoobiya ayaa la-yaabay markii uu dhagaha ka fureystay Shariif Xasan baaqii ay kusoo dalbadeen dowladda Itoobiya in uu ugu yimaado magaaladda Addis Ababa oo la-sheego in looga taliyo dowladda uu hogaamiyo madaxweyne Shariif Sheekh Axmed.

Sidoo kale lama oga sababaha uu Shariif Xasan Sheekh Aadan uu u diiday in uu ka jawaabo baaqii uga yimid xukuumadda uu Raaisal Wasaaraha ka yahay melez Zenawi, hase ahaatee tani ayaa daboolka ka qaadeysa in aysan sahlaneen xaaladda Shariif Xasan, walow aan la-ogeyn in ay meesha ay salka ku hayso

Related Items


Leave a comment