Barcelona oo uga digtay kooxda Man.United iney soo hunguriyeeyaan tababare Guardiola

Tuesday November 02, 2010 - 18:47:26
1 Comments
2596
Super Admin
Naadiga ah horyaalka Spain Barcelona ayaa ku wargalisay kooxda Manchester utd in tababare Pep Guardiola uusan ka tagaynin kooxda Barcelona isla markaana ay iska ilaabaan.

Pep Guardiola ayaa naadiga Man utd waxay doonaysa inay ku badasho booska suura galka ah inuu baneeyo macalina mudada dheer leylinayay kooxdaas ee Sir Alex Fergusen.

Alex Ferguson oo 68 jir ah ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu baneeyo jagada tababarnimo ee kooxda Manchester utd kadib 24 sanadood oo uu soo leylinayay naadiga Red Devils ama shayaadiinta cas cas.

Fergusen ayaa sheegay todobaadkan in tababaraha badalaya uu noqdo mid awood u leh inuu wado koox weyn sida Manchester utd oo kale isla markaana Pep Guardiola uu yahay shaqsi u qalma jagadaas.

Tababare Pep Guardiola ayaa kooxda Barcelona wuxuu u hogaamiyay oo u qaaday labo horyaalka Spain ah,hal koob oo ah Copa del Rey,labo koob oo super Cup-ka Spain ah,hal koob oo ah Uefa Super Cup,hal koob oo koobka naadiyada adduunka ah,iyo koobka horyalada yurub.

Wararka ka imaaanaya dalka Spain ayaa sheegaya in Fergusen uu si weyn u doonay Pep Guardiola oo 39 jir ah inuu noqdo tababara Manchester utd marka uu ka fariisto xilka tababarnimo ee kooxda Man Utd.

Andoni Zubizarreta waa agaasimaha ciyaara naadiga Barcelona wuxuuna gaashaanka ku dhuftay in Pep Guardiola uu ka tagaayo Barcelona kuna biirayo kooxda Manchester utd.

“hadalka Fergusen waa mid uu ku fakiray oo kaliya,qof kastana wuu ogsoon yahay in Pep Guardiola uu la joogo Barcelona lana joogi doono ayuu yiri agaasimaha ciyaara kooxda Barcelona Andoni Zubizarreta.

Wuxuu intaa raaciyay Andoni Zubizarreta in Pep Guardiola uu fursad u haynin inuu ku biro Manchester utd ama Chelsea midkood.

Gudoomiyaha kooxda Barcelona Sandro Rosell, ayaa u soo bandhigay tababare Guardiola hishiis kordhin lix sanno ah laakin Guardiola ayaa door biday inuu hishiis kordhin labo sanno ah uu saxiixo.

Andoni Zubizarreta hada waa agaasimaha ciyaaraha Barcelona horeyna wuxuu u ahaa gool hayihii kooxda Barcelona iyo xulka Spain.

Xusseen C/qaadir

Boston,MA

Related Items

Comments


Leave a comment