America: Madaxwayne Obama iyo wafti Heer saraa o Safar ku maraya India

Saturday November 06, 2010 - 18:22:18
0 Comments
2953
Super Admin
Madaxwayne Obama iyo wafti Heer saraa o Safar muhiin ah ku maraya Asia India

Madaxweynaha Maraykanka Mr.Obama iyo marwadiisa Mrs.Michelle Obama ayaa waxaa safarkan ku wehliya xubno sar sare oo kamid ah xukuumada Maraykanka, iyo waliba madaxda shirkado badan oo laga leeyahay dalka Maraykanka.

Safarkan India ayaa diirada lagu saarayaa kobcinta xiriirka dhaqaale iyo ganacsi ee ka dhaxeeya dalalka Maraykanka iyo India.

Wadanka India oo kamid ah awooda dhaqaale ee soo kooraya qaarada Aasiya, ayaa lagu wadaa inuu heshiisyo kala gedisan la galo dalka Maraykanka.

Waxaa maanta oo Sabti ah shir jaraa’ iid oo uu ku qabtay magaalada Mumbai Madaxweyne Obama uga hadlay xiriirka dheer ee labada dal asagoo sheegay in ay wadamada Maraykanka iyo India ku mideysan yihiin sidoo kale iskaashiga dhanka Amniga.

Obama ayaa ku sugan hada Hotelka TAj MAhal ee ku yaal magaalada Mumbai, hotelkaasi oo kamid ah goobihii bishii November ee sanadkii 2008 ay weerareen kooxaha hubeysan oo halkaasi ku laayey dad ka badan 164 qof.

Obama ayaa sheegay in joogitaankiisa Hotelkaasi ay astaan u tahay sida ay dowlada Maraykanka u garab taagan tahay dalka India in amnigiisa la sugo, isla markaana si wadajir ah uga hortagaan kooxaha mayilka adag.

Weerarkii ka dhacay magaalada Mumbai sanadkii 2008 ayey geysteen kooxo fadhigoodu yahay dalka Pakistaan, waxaana hada kasoo wareegtay sanadguuradii 2aad.

Obama iyo Marwadiisa ayaa maanta ka qeyb galay xaflad xus ah oo ka dhacday Hotelka Mumbai, munaasabadaasi oo lagu xasuusanayey dadkii ku dhintey weeraradaasi.

Dhanka kale maanta ayaa lasoo bandhigay heshiisyo horudhac ah oo ay wada gaareen dalalka India iyo Maraykanka, waxaana ka mid ah in dalka India uu gadan doono 10 diyaaradaha xamuulka qaada ee Militariga oo loo yaqaan C-17 iyo waliba diyaaradaha rakaabka qaada ee B737-800 oo ay sameyso shirkada Boeing ee laga leeyahay dalka Maraykanka.

Heshiiskan oo ku kacaya dhaqaale ka badan 7 bilyan oo dollarka Maraykanka ah ayaa dhalin doona in ka badan 3o kun oo shaqo dheeraad ah gudaha dalkaasi Maraykanka xili dalkaasi uu la tacaalayo shaqo la’ aan baaxadleh.

Related Items


Leave a comment