Kenya: Dhalin yaro Burcad badeednimo loo haystay oo la sii daayey

Saturday November 06, 2010 - 18:38:08
0 Comments
1666
Super Admin
Dhalinyaro Burcad badeednimo loo haystay oo la sii daayey tiradooduna ay gaarayso 17 dhalinyaraDhalinyarroburcad badeed soomaali ah oomudo sanad ku dhow ku xirneed xabsi ku yaalla magaallo xeebeeda Mombassa ee dalka Kenya ayaa laga siidaayey.

Ragaan dhalin yarada ah ayaa dowlada Kenya waxaa ku soo wareejiyey ciidamada mareykanka iyo kuuriyada koonfureedka dib markii ay kasoo qabteen meel banaanka kaah biyaha Kenya balse aan saas uga fogeynka dibna dowlada Kenya ayaa u gudbisey xabsi ku yaalla magaallada Mombassa ,

11 bilood oo ay dacwadoodu socotay ayaa ragaan ugu danbeyntii la xaqiijiyey in aan lagu heyn wax cadeyn ah oo cadeynaysa in ay ku guda jireen falal burcad badeednimoka dibna qaaliga xukumaayey ayaa wuxuu ku dhawaaqey in aysan wax danbi ah laheyn dhalin yaradaan soomaalida oo lagu waayey danbigii ay ku eedeysnaayeen balse qaaligu ma uusan sheegin in lagu celinaya soomaaliya iyo in ay sii joogi karaan Kenya,

17 kaandhalinyarada ah ayaa waxaa ka muuqanayey farxad ka dib markii maxkamadu sheegtay in ay xoriyadoodii dib u heleen oo wixii hada ka danbeeya aysan aheyn maxabiis,

Si kastaba ha ahaateewaxaa ayana jirarag soomaali ah ku eedeysan burcad badeednimokuwaas oo ku jira habsiyo kala duwan oo ku yaalla magaalada Mombassa lamina garanayo halka ay ku danbeyn doonto dacwadoodu

Related Items


Leave a comment