Obama oo sheegay in uu xirir wanagsan la yeelan doono Indonisia iyo Caalamka Islamka

Wednesday November 10, 2010 - 17:07:09
0 Comments
2443
Super Admin
Obama oo sheegay in uu xirir wanagsan la yeelan doono Indonisia iyo Caalamka Islamka

Madaxweynaha Maraykanka Brack Obama ayaa xili uu ka khudbaynayay Indonesia waxaa uu sheegay in ay ka dhab tahay dowladiisa xiriirka ay la leedahay Indonisia iyo Muslimiinta caalamka.

Xiriirka wanaagsan ee aan xiligan la samaynayno Indonesia ayaa kamid ah ayuu yiri Obama tusaalaha wanaagsan ee aan u danaynayno in uu wanaagsanaado xiriirka aanu leenahay bulshooyinka iyo dowladaha Islaamka ee caalamka.

Obama oo maalmihii aynu soo dhaafnay socdaalo ku kala bixinayay qaar kamid ah dalalka qaarada Asia ayaa booqashadii uu ku tagay maalintii shalay Indonesia ay ahayd mid si weyn looga soo dhoweeyay imaanshihiisa.

Dowlada Indonesia ayaa Obama sheegay in ay iska kaashanayaan dhinaca dhaqaalaha iyo Horumarinta,waxaana uu sheegay in ay ka caawinayaan wadankaasi sidii ay horumaro dhaqaale u samayn lahayd.

Intii uu Obama ku sugnaa Indonesia ayaa waxaa ka dhacay halkaasi banaabaxyo xoogan oo looga soo horjeedo,iyadoona safaarada Maraykanka ee Jakarta ay iska soo buuxdhaafiyeen dad ku mudaaharaadayay imaanshihiisa dalkaasi.

Indonesia ayaa ah goobtii uu Obama xiligii uu yaraa isaga oo muslin ah ku noolaan jiray,waxaana xiligan dib ugu laabashdiisa wadankaasi isaga oo ah madaxweynaha Maraykanka ay u noqonaysaa mid taariikhi ah.

Related Items


Leave a comment