Burtinle: Boqolaal Dada oo roobdoon iyo alle bari ka dhigay Magalada Burtinle

Monday November 15, 2010 - 11:44:40
0 Comments
2925
Super Admin
Boqolaal Dada oo roobdoon iyo alle bari ka dhigay Magalada Burtinle waqti ay maanta inta badan dadku sooman yahay
Maanta oo Caalamka islaamka inta badan laga soonan yahay ayaa Dadka Dagmada Burtinle oo in badan sooman tahay Maalinta Ajarka Badan ee Xujayda Islaamku taagan tahay Banka Carafa waxaa ka dhacay Dagmada Burtinle Roob doon iyo alle bari

Dadka oo uga baxay Banaanka Dagmada si ay salaada ugu tukudaan allena ugu baryaan kadib markii ay soo fuud saartay Roob yari iyo biyo la'aan ayaan waxaa halkaas ka soo qayb galin Madaxda Deegaanka, Culumaudiinka Ardayda iyo Bulshada qaybaheeda kale

Bacda salaad ayaa Culumada Deegaanku waxaay Khudbada iyo wacdi u jeediyeen dadka ayaga oo alle ka baryey in uu roob aan dhin lahay siiyo oo dadku kuwada nasto loona kala hayaamin ee qof walba gurigiisa alle ku qaboojiyo

Dadka dagmada Burtinle ayaa waxay ku xiran yihiin Baadiye ayaga oo Dagmada y soo Galaan Xoolo iyo Caano badan oo uga imaanaya Deegaanada Hoos yimaada Dagmada burtinle ayadoo ay maalmihii ugu dambeeye laga dareemayo Caanohoo uu ku dhacay qiimo koror iyo xoolaha oo ay hadaa tahay mid laga dhoofin jiray dagmada ayaa maanta Suuqyada Ay aad u qaali yihiin sababda la xiriira Dadka oo fugaaday

M C G
Burtinle

Related Items


Leave a comment