Guriceel: Alshabab iyo Ahlusuna oo guulo ka kala sheeganaya dagaalki maanta

Sunday November 21, 2010 - 21:53:48
0 Comments
2632
Super Admin
Alshabab iyo Ahlusuna oo guulo ka kala sheeganaya dagaalki ka socday maalmahaan Deegama ay horay uga talin jireen Xarakada Ahlusuna oo ka tirsan Guriceel ee gobolka Galgaduud
Afhayeenka ururka Al-shabaab Sh.C/casiis Abuu Muscab ayaa xusay in ciidamadooda 2 jeer la soo weeraray islamarkaana ay iska difaaceen weerararadii lagu soo qaaday.

Abuu Muscab ayaa wariyayaasha sidoo kale u sheegay inay dagaalada maanta guulo ka gaareen islamarkaan ay khasaare kii shalay ka badan gaarsiiyeen dhinacyadii ay dagaalka la galeen.

"Cadawga suufiyada ah laba jeer ayay nasoo hujuumeen balse si adag ayaan isaga difaacnay" ayuu yiri Abuu Muscab oo dhanka kale ka dhawaajiyay in askar kuwa itoobiyaanka ah ay magaalada Ceelbarde soo gaarsiiyeen rasaas ay u wadeen ahlu suna.

Sidoo kale Afhayeenka Ahlu suna Abuu Yuuusuf Alqaadi ayaa isna sheegay inay iyagu guulo ka gaareen dagaaladii maanta dhacay,waxaa uu tilmaamay inay 2 baabuurta dagaalka ah inay ka guubeen dhanka alshabaab.

Dagaaladan ayaa u muuqda kuwa ay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ku doonayso in ay ku daaliso Ahlusuna si ay Guriceel uga qabsato, alshabaab ayaa dhowr mar gashay Dhuusamareeb ka dibna dib uga baxday.

Related Items


Leave a comment