BTS: Shiikh Fu'aad Maxamed Khalaf oo Amison ku sheegay kuwa ka soo horjeeda Diinta Islamka in la isku dhaqo

Saturday February 05, 2011 - 19:23:23
0 Comments
1732
Super Admin
Shiikh Fu'aad Maxamed Khalaf Shongolo oo warbaahinta kula hadlay Mogdisho ayaa Amison ku sheegay kuwa ka soo horjeeda Diinta Islamka in la isku dhaqo .

Wadaadka dhinaca dacwada ugu qaabilsan Xarakada Al-Shabaab Sheekh Fu'aad Maxamed Qalaf ayaa dadka la shaqeeya ciidammada AMISOM iyo xubnaha dowladda KMG ah ee Soomaaliya kuwo diinta Islaamka uga baxaya shaqada ay hayaan.

“Ciidamada AMISOM Diinta Islaamka in la isku xukumo aya looga hortagayaa, waxaana hogaamiya Gallo, Qofkii la shaqeeya AMISOM waa Gaalo oo iyaga ayuu ka mid yahay” ayuu yiriSheekh Fu'aad Maxamed Qalaf (Shongolle).

Fu’aad Shongolle ayaa salaadii Jimcaha kadib ka hadlay Masjid ku yaala Koonfurta Muqdisho, wuxuuna sheegay inay Gaallo yihiin madaxda dowladda min madaxweyne illaa ruuxa ugu hooseeyaee Dowladda ka tirsan.

"Madaxda dowladda KMG ahlaga soo bilaabo madaxweynaha iyo ruuxa ugu hooseyeeya waxay doonayaan in Islaamka laladagaalamo, sidaas ayayna diinta uga baxayaan, haddii ay doonaan ha tukadeen, ha soomeen ama khayr ha sameeyaan" ayuu yiriFu’aad Shongolle oo ka mid ah saraakiisha Shabaabka.

Dhinaca kale Fu'aad Shongolle ayaa khudbadiisa ku sheegay dadka taageera AMISOM ama Qalbiga kala jiraiyo Dowladda KMG ah ee Soomaaliya inay iyaguna ka mid yihiin, wuxuuna sheegay in qof kasta oo dowladda ka tirsan ay xaaskiisa ka furan tahay.

Warbaahinta Muqdisho ayaa horay u shaacisay inuu Shongolle ka horyimid fikirkaasi uu shalay mar labaad sheegay, waxayna tani cadaynaysaa inuu weli qabo fikirka ah in la dilo ruux kasta oo dowladda KMG ah ka mid ah, xittaa haddii uu Ashahaado, taasi oo uu horay u sheegay isaga.

BTS Mogdisho Online

Related Items


Leave a comment