Latest News

Ugaas Cumar Geelle oo lagu soo dhaweeyay magaalada London lana kulmay Qurba joogta YD + (Sawiro)

Sunday March 27, 2011 - 02:46:24
6 Comments
4,295
Super Admin
Ugaas Cumar Geele
Ugaas Cumar Geele
Waxaa Galbeedka magaalada Londonl xaflad soo dhaweyn ah oo aad u heer sareysa loogu qabtey maanta oo ay taariikhdu tahey 26/03/2011 Ugaas Cumar Geelle Maxamed oo booqasho ku soo gaarey todobaadkii tageydalka England.

Xafladaas oo ay ka soo qayb galeen jaaliyadaAwrtable / YD ee ku dhaqan magaalada London, kuwaasoo isugu jirey cuqaal waxgarad, haween, aqoonyahano iyo dhalinyaro.

Dadkii madashaas ka hadleyna oo soo dhaweeyay Ugaas Cumar Geelle waxaa ka mid ahaa: Sheikh Xuseen Jaamac Dheere, Odey Cabdi NuurJaamac Xasan, Odey Cali Cabdulle Ismaaciil ‘’Cali Caymis’’ Dr.Cabdiraxmaan Cunaaye, Marwo Xaliimo Saalax Beer iyo Marwo Fowsiya Cabdulaahi Nuur Xirsi.

Ugu dambeyntiina Ugaas Cumar Geelle Maxamed ayaa hadalo kooban ka jeediyey xaflada lagu soo dhaweynayay, islamarkaana uga mahadceliyay dadkii soo qayb qaabiyay iyo dadkii ka soo qayb galeyba.

Ugaaska ayaa ka hadley xaalada ay ku sugan yihiin dadka ku nool gobalada Nugaal iyo Mudug, islamarkaana ku booriyay ka soo qayb galayaasha xafladatan iyo kuwa ka maqanba inay u gurmadaan dadkaas abaaraha culusi ay ku habsadeen ee walaalahooda ah.

Waxaa Kaloo ka qayb qatay Xafladaas xaga Telephone ka

Siyaasi Mohamed abdi yusuf, Gen. Mohamed Xussein Daud (Xiirane) Iyo dhamaan Qurba joogta Beesha YD.

Ayaga oo dhamaan u Riyaaqay Xafladaas iyo soo dhawaynta Ugaaska.

Xaflada soo dhaweynta Ugaas Cumar Geelle waxay ku soo dhamaatey sidii loogu talagaley.

W/D:Yusuf Maxamed Cabdi

mrsomalia@hotmail.com

Related Items

Comments

  • Abdullahi Mohamed Barre (BA-BADH) said:

    Asalaamu calaykum. Waan idiin salaamay, salaan ka dib waxaan tahniyad kal iyo laab ah u diryaa Ugaaska Cumar Geele iyo dhammaan marti sharaftii ka soo qaayb gashay xafladaas. Nasiib wanaag waan ka maqnaa waddanka, oo iima suurta galin in aan ka qayb qaato. Marka waan ku farxay markii aan arkay sawirada xafladda iyo dadka ka soo qayb galay aad baan ugu farxay. wixii faah-faahin igala soo xiriira e-mailka (barre15@hotmail.com). Mahadsanadiin WSCWRB.

    Thursday April 28, 2011 - 21:39:38
  • burhaan abdi said:

    manasha alaah ilaah khayr haka siiyo dhamana ku wii ka soo qaybgalay iyo ku wii soo qaban qaabiyey waxaan filin mesha dad waa yan aya asoo xaadiray mase arko waxbadan dadkii dhalin yartaa ahaa intaas iyo in kabadan aya asoo xaadiri kartay oo jooga london llaakin kulanada danbe ayaan rajaynaya ain ay soo xaadoiraan UGAASKA waxaan u rajaynaya ain uu siiwado taladii uu bulshada soomaaliyeed u hayey iyo gaar ahana tolka uu ugaaska u yahay ee uusan noqon qorba joog ee uu mideeyo qurba joogata than dalkana si joogtaa ula xiriiro oo haba tago

    Monday March 28, 2011 - 23:54:50
  • luqman said:

    i was the person to read the quran

    Sunday March 27, 2011 - 22:44:41
  • Hodman Dhoobaalle said:

    Masha Allaaah... Its a great moment and day to remember, Its really gives me a great pleasure to see our elders come together. That shows how we love each other.....Its my first to see our Ugaas Omar Gelle.. I wish, I was there to welcome him with open hands. Let us work together and think our development. Much Love to you All. Hodman Mohammed Ahmed ( Dhoobaalle )

    Sunday March 27, 2011 - 15:28:21
  • Hodman Dhoobaalle said:

    Masha Allaaah... Its a great moment and day to remember, Its really gives me a great pleasure to see our elders come together. That shows how we love each other.....Its my first to see our Ugaas Omar Gelle.. I wish, I was there to welcome him with open hands. Let us work together and think our development. Much Love to you All. Hodman Mohammed Ahmed ( Dhoobaalle )

    Sunday March 27, 2011 - 15:19:26
  • Abdihakin Ilkadhagax said:

    Waxaan Idin kaga Mahad celinyaa sida sharafta leh oo aad ula socotaan Webka Amuuraha ku soo Kordha , waxaan kaloo idiin sheegayaa in ad ku soo qori kartaan wax alle iyo wixii fikir ah meeshaan waa mahadsantihiin mar labaad Asc

    Sunday March 27, 2011 - 05:05:58

Leave a comment

You have 350 characters remaining.