Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdullaahi Yuusuf Axmed ayaa siweyn usoo dhaweeyey shirkii wadatashiga

Wednesday September 07, 2011 - 22:25:17
0 Comments
1198
Super Admin
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdullaahi Yuusuf Axmed ayaa siweyn usoo dhaweeyey shirkii wadatashiga
Soomaalida ee kusoo idlaaday magaalada muqdisho ee caasimada Soomaaliya isagoona soo dhaweeyey dhamaan qodobadii shirkaas kasoo baxay,Wuxuuna sheegey inay Muhiim ahayd in caasimada Soomaalida la’isku keeno dhamaan qaybaha kaladuwan ee Soomaalida islamarkaasna ay muqadas ahayd in caasimadu ay dadkaas qaabisho, wuxuuna taageeray shirka xiga ee Garoowe lagu qabanyo Bisha danbe.

Madaxweyne Yuusuf Wuxuu sheegey in ay muhiimtahay in dadka Soomaaliyeed ay iyagu tashtaan kana midoobaan wixii dhib ku ah, wuxuu Amaanay dawlada imika jirta iyo dadaalkeeda, wuxuuna sheegey in loo baahanyahay in dawladu ay sanadka ay haysato qabato arimaha adag ee horyaala kuwaas oo ay qaarkood ku guulaysteen xukuumadihii hore ee dalka soo maray intii burburku jiray.

Cabdullaahi Yuusuf Axmed Wuxuu siweyn suoo dhaweeyey qodobka sheegaya in Baarlamaanka Soomaaliya tiradiisa la yareeyo taasoo uu sheegey in awalba si khaldan oo sharci daro ah ay ku gaareen tirada intaas le’eg (550) Taasoo uu sheegey in dadka Soomaaliyeed aysan marna raali ka ahayn islamarkaasna la badiyey mar la mijo xaabinayey Dawladii uu isagu madaxda ka ahaa, Wuxuuna ku taliyey in Xubnaha Baarlamaanka laga dhigo tiro kayar Labo Boqol.

Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyada Soomaaliya oo hadal dheer siiyey Idaacada qaranka ee Radio Muqdisho Wuxuu fariin u diray dadka Soomaaliyeed oo uu ugu baaqay inay ka qaybqaataan xasilinta dalkooda ayna cidna u hoos fariisan, isagoona sheegey in Dadku ay ka qaybqaataan soo afjarida kooxaha kasoo horjeeda dawlada oo uu sheegey inay dhibaatooyin horleh keeni karaan hadaanan la’iska kaashan.

Buurtinletimes@gmail.com

Related Items


Leave a comment