Arintaan Ayaa Waxaa Ay Imanaysaa Xili Dhawaan Warsaxaafadeed Ka Soo Baxay Xarunta Dowlada Puntland Lagu Canbaareynayo Maamulka Koonfuta Magaalada Gaalkacyo Ee Galmudug Maleeshiyo Ka Soo Jeeda Weeraro Duqayn Ah u Gaysteen Maalmihii Aan Soo Dhaafnay Gegida Diyaaradaha Gaalkacyo.
Sido Kale Waxaa Soconaya Hadalada Ka Dhanka Ah Deganaanshaha oo Laysku Marinayo Warbaahinta Ku Siman Magaalada Gaalkacyo, Mid Ka Mid Ah Nabadoonada Galmudug Kaas Oo Lagu Magacaabo Yaasin Gaani Ayaa Sheegay In Aysan Sal iyo Raad Toona Lahayn Eedeymaha Loo Jeedinaayo Dhankooda Islamarkaasna Sheegay Dadka La Dilayo,Dhaca Labaduba Dalkaa Ka Weeyn.
Nabadoonka Ayaa Tilmaamay Hadalkii Nabadoon Yasiin C/samad In uu Ka Gaabsanaayo,intaas Waxaa uu Ku Daray In Dad Galmudug u Dhashay oo Xagooda Jira ama Degan Ma’ogi Ayuu yiri.
Mar uu ka Hadlay Arinta Air-porka Ayuu Sheegay In uu Ahaa Shaqsi Dul Ku doodaayay Islamarkaasna Hada Ay Gudi u Saareen, Nabadoon Gaani Ayaa Sheegay In loo Baahan Yahay In Geed la waabto Isagoo Yiri Reer Mudug hadaan Nahay Aan Tagno Geedkii aan Kuwada hadli Jirnay.
Sikastaba Xaalada Magaalada Gaalkacyo Ayaa Waxaa Ku Soo Kordhaya Mashaakilo Tira Badan haba ugu Horeeyso Amaandarida Baahsan,Boobka Hantida Guud iyo mida Gaarka Labadaba iyo Dacadiyo Loo Geeysto dadka Danyarta Ah Mana Jiraan Ciidan Awood Badan oo Waxka Qabta Mashaqadaas.
Axmed khadar
burtinletimes.com
Gaalkacyo
Leave a comment