Madaxa guud ee Jaamacada Lower Jubba University Siraaji Aden Maxamed oo ka hadlayey imtixaanka jaamacada ka bilowday ayaa sheegay in sanadkii labaad u dhamaaday ardaydan dhigananeysay kalkaaliyenimada caafimaad,isagoona sheegay inay iminka gelayaan imtixaankii kadibna fasax ay u kala diri doonaan ardayda.
“Waxaa ay dhiganayeen jaamacada labadii sano ee ugu danbeysay, waxaana ay ahaayeen ardaydii lagu furay Jaamacadda ,iyaddoo ay jiraan arday kale oo dhigata qeybaha kale ee jaamacada. Waxaana geli doonaa fasax dheer oo ilaa 01.08.2012 ku eg kadibna waxaa inoo billaaban doonaa barashadii jaamacada” Ayuu yiri Madaxa Jaamacadda Lower Jubba University ee magaaada Kismaayo una waramayey shabakada Warbaahinta ee burtinletimes.com
Macalimiinta jaamacadan dhigta ayaa isugu jira kuwa sida aqoon ay dalka gudihiisa ku barteen iyo kuwa aqoon dibada ah wata kuwaasi oo si heer sare ah wax u bara, Ardayda dhigata jaamacadaasi oo kala yimid gobollada Jubbooyinka iyo Gedo. Sida uu hadalka u dhigay.
“Waxaa jaamacada lagu bartaa farsamada sheybaarka, kalkaaliyenimo, umuliso-nimo, iyaddoo jaamacada intii ay jirtay si weyn uga faa’iideysteen ardayda iyo dadka aqoonta u saaxiibka ah “ayuu yiri Siraaji Aden Maxamed oo ah Madaxa guud ee Jaamacadda Lower Jubba University.
Dhinaca kale waxaa uu mas’uulkan meesha ka saaray inay jiraan wax hay’addo ama jaaliyado gacan ka geysta Jaamacadaasi,waxaana uu sheegay inay howsha Jaamacada ku socoto dadaalka maamulka Jaamacadaasi iyo waxa laga qaado ardayda dhigata.
Kismaayo waxaa gacanta ku haya Maamulka Al-Shabaab waxaana adeg inay hay’addaha gacanta ka geysta howlaha waxbarashada ka howlgalaan,inkastoo haddana aysan waxbarashada halkaasi ka socota oo ilaa heer Jaamacadeed ah aysan istaagin.
Cabdisalaan Cumar Cilmi
Burtinletimes.com
Kismaayo
Leave a comment