Ciidamada Dowlada Soomaaliya ,kuwa Raaskanbooni iyo Ciidamada Kenya ayaa goordhaw si buuxda gudaha ugu galay qeybo badan oo kamid ah Xaafadaha Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose.
Ciidamadan oo aad u tiro badan ayaa maalmihii ugu dambeeyay waxa ay ku sugnaayeen Hareeraha Magaaladaasi, goordhaw ayeyna Si toos ah Ciidamadan gudaha ugu galeen Magaalada sida Dad goob joogayala ah goordhaw Shabakada Allbanaadir.com u xaqiijiyeen.
Goobaha ay hada gaareen Ciidamada laguna arkayo waxaa kamid ah Warshada hilibka ,Xarunta Maamulka iyo sidoo kale Saldhiga Booliiska ee Kismaayo halkaas oo lagu arkayo ciidamo tiro badan oo ka tirsan kuwa Huwanta ah.
Ciidamadan ayaa sidoo kale la wareegay Garoonka Magaalada Kismaayo ,Dakada Magaaalada iyo Madaxtooyada Kismaayo sida uu goordhaw Warbaahinta u sheegay Maxamed Daahir Faarax oo kamid ah Saraakiisha Ciidanka Huwanta ee kusugan Jubooyinka.
Ciidamada ayaana si feejignaan ah u baaraya goobaha ay hada galeen waxa ayna ka baarayaan walxaha qarxa hadii Shabaab uga tageen iyo hub sidoo kale ,waxa ayna Durbo bilaabeen in fariisimo durbo kasameestaan goobahaasi.
Xaafadaha kale ayeea hada wadaan Ciidamada Huwanta ah in ay isku fidiyaan ,Xaalada ayaana ah hada mid dagan dadka ayaana soo dhaweenaya Ciidamada gudaha usoo galay Magaalada Kismaayo.

Leave a comment