Dood kulul oo dhexmartay Madaxwayne Obama iyo Mitt Romney

Thursday October 04, 2012 - 06:07:54
0 Comments
1674
Super Admin
Waxaa caawa Markii ugu horeesay dhacday Doodii dhex martay Madaxawayne Barak Obama iyo Governor Mitt Romney oo labaduba utaagan jagada Madaxwaynaha ee dalka America ee 2012. Madaxwayne Obama ayaa doonaya markii labaad inuu ku guulayso jagada ugu saraysa Maraykanka iyo aduunkaba.

Doodaan ayaa ka dhacaday Gobalka Colorado Magaalada Denver gaar ahaan Jaamacad Danver. Doodaana yaa waxaa aad looga dooday arimaha kala ah Dhaqaalaha wadanka, Canshuurta,arimaha caafimaadka iyo qaabka dawlad wanaaga. Mitt Romney oo laga baqayey in laga dood badiyo ayaa caawa u umuuqday mid aad isu soo diyaariyey.

Dooda ayaa waxay socotoy 90 daqiiqo oo aan joogsi lahayn, waxaana loogu talagay inay shacab waynaha America ay kala doortaan qofka ay siinayaan codkooda November 6, 2012 oo ah maalinka loo codaynayo Madaxwaynaha.

Dooda ku xigta ayaa dhacaysa Oct 11, 2012 waxayna u dhaxaynayaa labada labada Madaxwayne ku xigeen ay kala wataan Obama iyo Mitt.










Related Items


Leave a comment