Guddoomiyaha gobolka Banaadir, Mudane Maxamuud Axmed Nuur “Tarsan” ayaa
maanta xariga ka jaray , Xafiis laga qaadanayo Warqadda dhallashada Muwaadinka Soomaaliya. Munaasibad Kooban oo xariga looga jarayey xafiiska waaxda dad dhigista Dowladda Hoose, ayaa waxaa ka soo qeyb-galeen Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Afhayeenka gobolka, qaar ka mid ah guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka, Saraakiil sare oo ka tirsan Ciidammada dowladda Hoose ee Xamar iyo xubno gobolka Banaadir ka Tirsan. Guddoomiyaha degmada Shangaani Cali Cumar Abuurkar “Cali Xamari” ayaa ku soo dhaweeyey dhammaan mas’uuliyiinta munaasibadda ka soo qeyb-gashay, isagoo ugu hambalyeeyey shacabka gobolka Banaadir, hirgalinta Waaxda dad Dhisgista oo aad ku noqoneysa Muwaadin caddeynaya in uu yahay Soomaali. Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane Maxamuud Axmed Nuur “Tarsan” ayaa waxa uu sharraxaad ka bixiyey qaabka lagu heli karo Warqadda dhallashada Muwaadinnimada. Sidoo Kale gudddoomiye Tarsan ayaa sheegay in dadka ka shaqeeya xafiiska Waaxda dad dhigista dowladda Hoose ay dhammaantood yihiin Dhallinyaro lagu soo xushay aqoon iyo Tayo, waxa uu hey’adaha kale ee dowladda kula taliyey in ay tallaabadaasi oo kale qaadaan, si dhallinyarada aqoonyahannada ah uga faa’ideystaan. Xarunta Somalia Mogdisho
Maamulka G. Banadir oo maanta daahfuray Xafiis laga qaadanayo Warqada Aqoonsiga Dhalashada
Maamulka gobolka Banadir aya maanta ka furay Magalada Muqdisho Xafiis laga qaadanayo warqadaha Dalashada kuwaas oo fududeynaya qaadashada baasaboorka somalia.
Comments
Leave a comment