Garowe: Wakiilka Ugaaska Beesha Awrtable oo qado sharaf u sameeyey Isimada Puntland

Thursday December 26, 2013 - 21:56:15
0 Comments
2046
Super Admin
Wakiilka Ugaaska Awrtable Ugaas C/qani Geelle Maxamed ayaa maanta qado sharaf u sameeyey dhamaan Isimada Puntland ee ku sugan Caasimada Puntland.

Qadada ka dib waxaa hoolka ka furmay shir Ismada Puntland ay uga tashanayeen aayaha Puntland iyo sida ay doorashadu u dhacayso , halkaas oo ay ka hadleen isimo badan oo fikiro iyo talooyin u soo jeediyey dhamaan masuuliyiinta u tartamaysa xilka Madaxtinimada Puntland.

Waxaa halkaas salaan looga diray Ugaaska Beesha Yuusuf Daarood Ugaas Cumar Ugaas Geelle Maxamed salaantaas oo ay dhamaan isimadu si wada jir ah ugu direen ugaaska una mariyeen wakiilka Ugaas Ugaas C/qani oo ahaan Ugaaskii Marti sharafta looga talinayey aayaha Doorashada qabtay.

Isimada ayaa sheegay in ay xiriir la lee yihiin Ugaaska Ugaas Cumar Ugaas Geelle ayna jeclaan lahaayeen in uu la joogo maanta Maadaama uu yahay Isimadii soo jireenka ahaa ee lahaa Fikarka iyo Talada Lagu aasaasay Maamulka Puntland yahayna Isin karti badan.

Sido kale Isimada ayaa uga mahadceliyey Wakilka Ugaaska Qabanqaabada shirkaan baahida loo qabay ayada oo uu wakiilka ugaasku dalka dib ugu soo laabtay Axada ee isbuucaan ka dib markii ay Musharaxiinta iyo madaxwaynuhu isku fahmi wayen gudiga doorashada si uu uga qayb qaato doorkisa Isinimo.

Gabagabadii oo uu soo gunaanaday shirka Islaan Ciise Islaan Maxamed oo ah Gudoomiyaha Golaha Isimada ee loo xil saray Doorashada Puntland ayaan tilmaamay in ay Isimadu doorkoodu yahay in ay xasilooni ku dhaco doorashadu ayna jecel yihiin hormarka Puntland, sido kale waxa uu mahad celin u jeediyey Wakiilka ugaaska ahna marti galiya shirka Ismada maanta.


Kala soco sawirada mar dhow

BTS Online

Dr Abdikadir Moha

Related Items


Leave a comment