Maqaal:- Bahda Reer Madhibaan Mayeysan Somali Ka Dhalan W/Q Ali Hashi Diiriye (Dhuxul)

Sunday January 19, 2014 - 08:20:55
0 Comments
5586
Super Admin
Ali Xashi Diiriye" dhuxul"
Ali Xashi Diiriye" dhuxul"

MAQAAL:- BAHDA REER MADHIBAAN MAYEYSAN SOMALI KA DHALAN.

W/Q Ali Haashi Diiriye (Dhuxul)

Email:alidirie41@gmail.com

Waxaan salamayaa oo aan mahad balaaran u jeedinayaaa dhamaan bulshawaynta somaliyeed qaybahooda kala duwan meel kastoo ay joogaan gaar ahaan bahda saxaafada sida Burtinletimes.com.

Waxaan maqaalkaan uga hadlayaa arimo dhawr ah oo dhamaantood ku saabsan tacadiga ,duudsiga ,quursiga iyo dhaca aan kala go'a lahay ee lugu hayo beelawaynta Rer madhibaan maqaal wuxuu iskugu jiri doonaa talo waano iyo taarikhda beesha iyo deegaan kooda.

1, waxaan wada ogsoonaha in beesha rer madhiban la quursado oo aan gabdhaha laga guursan ayada oo loola jeedo inaysan la sinayn bushada in teeda kale tusaaale ahaan hadii ay dhacdo wiil aan ahayn madhiban oo guursada gabar rer kaas ah wan takoornaa sido kale hadii wiil madhiban ah uu guursado gabar bulshada kale gabadha waa la dilaaa ama wiil madhiban kaa ayaa la silciyaa kadibna waa laga furaa taasna sharciga meel ay uga taal majirto.

Hadii aan idin la wadaago arin ayan dhawayd ka dhacday dagmo katirsan somaliya arintaas oo ahayd mid aad ii xanuujisay wiil madhiban ah iyo gabar bulshada kale ah ayaa is jeclaaday kadibna waxay ku heshiiyeen inay is guursadaan wiil kii madhibaan ka ahaa baa yiri hadii aan halkaan isku guursano guurkeenu ma hagaagayo ee aan gobol kale isula cararno waa yahay bay tiri gabadhii markii ay saa dhacday ayaa rerkii gabadha dhalay markay ogaadeen ayay wiilkii aabihiis afduubteeen kuna xireen ilaa gabadhii lasoo ceshay inay haysanayaa.


Kadib gurmad badan oo deegan kaa oo aan loo kala harin ayaa suurta galisay in odaygii laga siidaayo taasi waa dhan ka guurka iyo quursiga lugu hayo beesha reer Madhibaan.


Bal aan aadno dhan kale iyo adeega bulshada meeshay ka taagan yihiin rer sheikh ma dhibe

2-tan xilal ka kajira somaliya iyo sida looga qayb galiyo:- Rerka aan kor kusoo xusay maleh
Wasir , Xildhiban , gudoomiye gobol ,dagmo ama tuulo xil kalena warkiisaba daaa
Intaasba is ka dhaafe xitaa maleh agaasime maamul iyo mid Isbitaal ama school iyo xitaaa kuwa meelaha xaaqa intaasba waa bulshada kale.

Ayan dhawayd ban waxan arkay meel lugu qayb sanayo xildhibaano ah gole deegaan mise rerka ugu badan meesha ee madhiban qof kuma leh kuwo aan meesha daganayn laakin rer fookh fookh ah xildhibaanay qadanayaan markaan su'aalay waxaa layiri sheekh hadalka badan jooji waxba umahayno reerkaas.

3, Dhanka waxbarashada Waa dad wax barasho raba aan awood badana ulahay inay heer sare ka gaaraan duruufo jira awgood, Intaasba waxaa kadaran wiilka ama gabadha rer kaas ah lama fariisan karto oo arday kama noqon karto ciyaalka bulshada kale sababahan soo socda Awgood —cay, caawin la’ aan, dhaqaalo la aan, bahdil iyo in laga fogaado meesha uu fadhiyo kadib waxay sababaysaa in ilmahaa kacararo iskuulka .

4, deegaanada iyo siday somaliya udagan yihiin

Waa rer ka ugu badan beelaha somaliyeed deegaan ahaan hadii aad tagto ras ganbooni ,waxaa arkaysaa magaalada gees keeda ayagoo sixoogle u dagan raascasayr sidoo kale:-
Beelaha kale ee soomaliyeed ma dagana gobol kasta lakin madhiban magalo iyo gobol kasta somaliya wa dagan yahay oo waliba ku xoog badan yahay lakin taan iswaydiiyo baa ah hadii ayaga saa u dagan yihiin maxaa ka qadiyay qaybta gobolada ama dagmoyinka ama dawladaba.
Waxan naftayda u sheegay ama aan ogaaday inay tahay samir kooda iyo xaqdaro laga galayo.
Sidaa darted somaliya waxay la dagi ladahay bayna kamid tahay bushada latakoorayo oo aan cid ka hadlaysa la arag sheekh iyo sharifba aqoonyahan iyo dhalinyaroba cuqaal iyo hooyooyin ba.

Talo bixin

waxan oran lahaaa dhaman bulshada qaybaheeda kala duwan oo ay ugu horeeyaan madaxda dawlada somaliya ka jirta , xisbiyada diimaha iyo xisbiyada siyaasigaa wax ha laga qabto dad kaas aan kor kusoo xusay.

Gabagabo:

Waxaa Qoraakayga ku gabagabayn sigaar ahna ugu dirin Fariin cod dheer leh
Maamulada ka duwan ee Dalka somaliaya Sida Dowlada Somalia, Somaliland, Puntland
Iyo dhaman maamulada kale iyo horjooga yaasha somaliyeed in dib loo eego bulshada rer madhiban oo la duudsiyey xuquuqdoodii, ogaadana malin aan la is duudsiin karin baa soo socotaoo qofka cadaalad sameeya uu jano helin Kan dadka kala soocana sadkiisuyahay Jahanama ka mid noqon kuwa cadaalada sameeya.
Fadlan waxaan ku gabagabeyn qoraalkayga intaas Mahadsanid igana raali noqda.

By ali xashi diiriye dhuxul or dhuubane
Emailalidirie41@gmail.com
Facebook dhuubane dheere
Thank you somalian peaple


Afeef: Fikirkaan waxaa uu gooni u yahay Qoraaga Bahda Burtinletimes looma eegi karo qoraalkaan ,Cidii rabta in ay fikir noo soo dirto ku soo dir Email:-Burtinle@burtinletimes.com .

Related Items


Leave a comment