Wararkii 24 saac ee ugu dambeyey oo qodobeysab

Monday January 27, 2014 - 05:55:14
0 Comments
1081
Super Admin
*Raisalwasaaraha somalia ayaa shir howleed isugu yeeray xukuumadiisa , ayada oo looga hadlayey waxqabadka sannadk 2014 iyo sidii loo bilaabi lahaa.

*Wasiirkii maaliyada iyo xiriirka caalamiga ee hore ayaa si toos ah ugu wareejiyey xilka wasiirka cusub ee loo idmaday shaqadaas dhawaan ,ayada oo ay goob joog ahaayeen masuuliyiin ka tirsan xukunada iyo shaqaalaha wasaarada.

*Maamulka puntland ayaa soo bandhigay hub iyo walxaha qarxa kuwaas oo lagu soo qabtay weerar ayvku qaadeen fariisu ay ku lahaayeen kooxda buuraha galgala ka dagaalanta ee xirirka la leh ururka alshabab ,ayada oo weerarkaas khasaro dhimasho iyo dhawacba u geystay labada dhinac.

*Gudoomiyaha mucaradka xisbiga ucid ee Somaliland Eng: Faisal Cali Warabe ayaa fagare uu kula hadlayey taageerayasha xisbigisa si adag uga hadlay arimaha somaliya , puntlan iyo somaliland , asaga oo amaanay puntland ,dhaliilayna Somaliland halka uu cay u miisay madaxwaynaha somalia Xasan Shiekh.

Btsonline

Related Items


Leave a comment